Heshiiska Dubai Ports World Waxa Ilaa Horaantii 2015 Ka Wada Shaqeynayey Cabdiraxmaan Boore Iyo Baashe Morgan
May 11, 2016 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Heshiiska ay Somaliland iyo Shirkadda dekadaha maamusha ee Dubai Ports World shalay ku kala saxeexdeen magaalada Dubay ayaa waxa mudo laba sanadood ku–dhawaad ah ka shaqaynayey sidii ay labada dhinac is-afgarad uga gaadhi lahaayeen labada nin ee kala ah ganacsade Cabdiraxmaan Boore iyo wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baasha Cawil.
Waxay aheyd July 8,2015 markii uu website-kan wargeyska Haatuf ee xayirani qoray war cinwaankiisu ahaa”Baashe Cawil Oo Hoosta Ka Galay Cabdiraxmaan Boore Si Uu Uga Barto Tabaha loola Wareego Dekadaha”.