berberatoday.com
Heshiiska Dubai Ports World Waxa Ilaa Horaantii 2015 Ka Wada Shaqeynayey Cabdiraxmaan Boore Iyo Baashe Morgan
May 11, 2016 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Heshiiska ay Somaliland iyo Shirkadda dekadaha maamusha ee Dubai Ports World shalay ku kala saxeexdeen magaalada Dubay ayaa waxa mudo laba sanadood ku–dhawaad ah ka shaqaynayey sidii ay labada dhinac is-afgarad uga gaadhi lahaayeen labada nin ee kala ah ganacsade Cabdiraxmaan Boore iyo wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baasha Cawil.

Waxay aheyd July 8,2015 markii uu website-kan wargeyska Haatuf ee xayirani qoray war cinwaankiisu ahaa”Baashe Cawil Oo Hoosta Ka Galay Cabdiraxmaan Boore Si Uu Uga Barto Tabaha loola Wareego Dekadaha”.

 

Heshiiskan oo aan dadweynaha(public) loo soo bandhigin qodobadiisa balse siday xukuumadda Somaliland sheegtay ay maamulka dekadda Somaliland ee Berbera kula wareegi doonto shirkadda reer Dubay ee D.P .World ayaa waxa dhiraadhirintiisii hore  lahaa labadii wasiir ee horee Arimaha Dibadda ku kala dambeeyey ee Maxamad Cabdillaahi Cumar iyo Maxamad Biixi Yoonis oo iyaga iyo maareeyaha dekadda Cali Xoor Xoor doonayeen in sidan si ka duwan loo dhigo iyadoo qodobada ugu muhiimsan ee la isku mari la’aa ay ka mid ahaayeen baaxadda maalgalineed ee DPW ku sameyn doonto dekadda iyo sida loo shuraakoobayo ee wax loo kala yeelanayo.Hasa yeeshee waxa wadahadaladii dambe dhexda ka qabsaday Baashe Cawil kaasoo marwalba ku socon jiray afkaar iyo talooyin uu soo gashaday Cabdiraxmaan Boore oo dhinacna kala talinaya DPW iyadoo labadan nin loo tirinayo qaabkan maldahan ee uu aakhirkii heshiisku u dhacay.Shaki kama jiro in Baashe Cawil ka faaiidaystay oo ay muraadkiisii u hawlyaraysay habrashada nacasnimada ku dhaw ee wasiirka Khaarajiga ee waqtigan xaadirka ah Sacad Shire iyadoo uu Cabdiraxmaan Boore marwalba Baashe xasuusinayey xaqul qalinka sugaya ee 15 milyan ee doolar ah hadii heshiiska la saxeexo.Laakiin markii qaar ka mid ah xubnaha wafdiga oo uu Cali Xoor Xoor ka midyahay ay dhawr jeer si badheedh ah u diideen in la saxeexo heshiiska ayaa waxay taasi xoog uga cadhaysiisay Cabdiraxmaan Boore kaasoo uu Baashe soo maslaxay tiraba laba jeer.

 

 

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews