Khilaaf Saddex Geesood Ah Oo Ka Dhex Qarxay Dawladdaha Somaliland iyo Jabuuti iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Doono Murashaxnimadda Muuse Biixi.
May 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khilaafkan oo in dhaweydba huursanaa ayaa waxa uu soo shaacbaxay kadib markii dawladda jabuuti meeqaam hooseeya ku qaabishay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb galay caleemo saarkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
,sidoo kale khilaafka ayaa waxa uu sii xoogeystay kadib markii Somaliland heshiis horumarinta dekedda Berbera ah la gashay shirkada maamusha dekedaha dalka iskutaga imaaraadka carabta ee la yidhaahdo DW PORT heshiiskaasi oo si weyn uu uga dhex muuqday ninka sida weyn ay isku hayaan madaxweynaha Jabuuti Mr Geelle,ninka lagu magacaabo C/raxmaan Boore,waxa hore u huursanaa markii xukuumadda Somaliland ogolaanshiyo rasmi ah shirkadaha hormuudka ay u tahay TELESOM loo siiyey inay xadhiga internet-ka ee loo yaqaano Fiber Optic-ka ay keento badda berbera iyadoo xadhigaasi laga soo jiidayo dalka Omaan,wakhtigaasi waxa soo baxay in xukuumadda Jabuuti oo uu wakiil u yahay maxamed Aw Siciid ay ka biyo diiday ogolaanshaha xukuumaddu u siisay shiradaha keenaya xadhiga internet-ka badda berbera.