berberatoday.com
Khilaaf Saddex Geesood Ah Oo Ka Dhex Qarxay Dawladdaha Somaliland iyo Jabuuti iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Doono Murashaxnimadda Muuse Biixi.
May 11, 2016 - Written by Berbera Today

khilaafHargeysa(Berberatoday.com)-Khilaafkan oo in dhaweydba huursanaa ayaa waxa uu soo shaacbaxay kadib markii dawladda jabuuti meeqaam hooseeya ku qaabishay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb galay caleemo saarkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

,sidoo kale khilaafka ayaa waxa uu sii xoogeystay kadib markii Somaliland heshiis horumarinta dekedda Berbera ah la gashay shirkada maamusha dekedaha dalka iskutaga imaaraadka carabta ee la yidhaahdo DW PORT heshiiskaasi oo si weyn uu uga dhex muuqday ninka sida weyn ay isku hayaan madaxweynaha Jabuuti Mr Geelle,ninka lagu magacaabo C/raxmaan Boore,waxa hore u huursanaa markii xukuumadda Somaliland ogolaanshiyo rasmi ah shirkadaha hormuudka ay u tahay TELESOM loo siiyey inay xadhiga internet-ka ee loo yaqaano Fiber Optic-ka ay keento badda berbera iyadoo xadhigaasi laga soo jiidayo dalka Omaan,wakhtigaasi waxa soo baxay in xukuumadda Jabuuti oo uu wakiil u yahay maxamed Aw Siciid ay ka biyo diiday ogolaanshaha xukuumaddu u siisay shiradaha keenaya xadhiga internet-ka badda berbera.

Hadaba marka la eego khilaafkan saddex geesaadka ah ee ka dhex qarxay dawladaha Somaliland iyo jabuuti ayaa salka ku haya arimo dhaqaale iyo meeqaamkii hooseeyey ee dawladda jabuuti ku soo dhaweysay dmadaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo,iyadoo dhamaan shaashadaha caalamka laga daawanayey Madaxweyne Siilaanyo oo sacabka u tumaya isla markaana la dhex fadhiisiyey goobta loogu tala galay inay fadhiistaan dadka soo dhaweynaya madaxweynayaasha lagu marti qaaday caleemo saarkaasi,siilaanyo waxa uu sacabka u tumayey markii hoolka ay soo galeen madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo madaxdii kale ee la socotay,arintaasi waxay keentay in gabi ahaanba shacabka reer Somaliland xoog uga xumaadeen sida loo bahdilay madaxweynahoodii,sidoo kale waxay xukuumadda Somaliland shalay si kulul u canbaareysay sida hooseysa ee dawladda jabuuti ku qaabishay Madaxweyne Siilaanyo,sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dawladda jabuuti xoog uga cadhootay in C/raxmaan Boore oo ah ninka sida weyn ay isku hayaan madaxweyne Geelle uu door u yeesho heshiiska Somaliland iyo imaaraadku ku gaadheen Dubai eek u saabsan horumarinta dekedda Berbera,waxa kale oo madaxda jabuuti hore shirar lagaga hadlayo xadhiga SOMCABLE ee la sheegay in internet-ka Somaliland uu keenayo oo uu soo jiidayo jabuuti ee hadana tartanka cusubi kala dhaxayn doono shiradaha kale ee ay hormoodka u tahay telesom kadib markii xukuumadda Somaliland ay fasax rasmi ah u siisay shirkadahaasi inay keenaan internet-ka caalamiga ah ee xadhiga looga soo jiidayo dalka omaan,arintaasi ayey dawladda jabuuti oo uu wakiil u yahay ganacsade Maxamed Aw Siciid u arkaan in caqabadii ugu weynayd shirkadahaasi ku yihiin shirkadda SOMCABLE oo la rumaysan yahay inay tahay shirka ka dhaxaysa  masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawladda jabuuti iyo ganancsade Maxamed Aw Siciid oo isagu ah ninka hormuudka u ah shirkadda SOMCABLE.

Hadaba dadka saadaaliya arimaha siyaasadda ayaa waxay rumaysan yihiin in khilaafkani uu yeelan doono sameyntiisa oo waxay sheegayaan in xitaa xisbiyadda iyo murashaxiinta Somaliland qaar kood uu sameyn ky yeelan doono oo waxay tusaale u soo qaateen ninka sida weyn hore ugu ololeeyey in shirkadda SOMCABLE oo kaliya kooto loogu xidho internet-ka Somaliland oo ahaa murashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE taa bedelkeedana uu Maxamed Aw Siciid geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii Muuse u noqon lahaa murashaxa kaliya ee ka tartama xisbiga KULMIYE sidoo kalena wax kasta oo ay ku kacaysaba balan ugu qaaday in uu sameynayo balse arintan cusub ee tartanka shiradaha ee internet-ka ayaa la sheegay in ay khilaaf ka dhex abuurtay ganaacsade Maxamed Aw Siciid iyo Muuse Biixi Cabdi ,waxanyna ilo xog ogaali ihi sheegayaan in durba uu bilaabay Maxamed Aw Siciid sidii uu uga soo horjeedsan lahaa murashaxnimadda Muuse Biixi Cabdi,inkasta oo khilaafkan cusubi la saadaalin Karin halka uu ku danbeyn doono balse waxa la rumaysan yahay in uu halis ku yahay murashaxnimadda Muuse Biixi oo markii horeba ahayd arin murankeeda iyo khilaafkeeduba taagnaa,waxa kale oo khilaafkan weyn ee sadeex geesaadka ahi keeni karaan in xidhiidhak Somaliland iyo jabuuti uu xumaado oo uu ku noqdo sidii uu ahaa mudo laga joogo dhar iyo toban sano ka hor oo labada dawladoodba xidhiidhkoodu xumaaday oo la kala xidhay xuduudka u dhexeeya dalwada dalba.

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews