berberatoday.com
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoorxoor Oo Ka Hadley Heshiiska Ay Lasoo Galeen DP-World Nooca Uu Yahey Iyo Qodobada Ay Heshiiska Kugaleen
May 11, 2016 - Written by Berbera Today

Cali Xoor-xoor oo heshiiskan ayaa daboolka ka qaadey in qodobada lagu heshiiyay ay ugu horeyso Dhismayaal Dekedda

Cali Cumar Xoorxor

Dubai(Berberatoday.com)-Maareeyaha Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Cali xoor-xoor), ayaa markii ugu horeysay ka hadley heshiiska Xukuumadu la gashey DP-World ee Dekedda Berbera kaas, oo iftiimiyay qodobada lagu heshiiyay islamarkaana, ku sheegay in heshiiskani wali yahey mid qabyo ah oo hordhiciisa la bilaabay.

Cali Xoor-xoor oo heshiiskan kaga hadley ayaa daboolka ka qaadey in qodobada lagu heshiiyay ay ugu horeyso Dhismayaal Dekedda qeyb cusub iyo wada lahaansho mudada heshiiska islamarkaana, aan la dhimayn Shaqaalaha Dekeda ee kala Duwan iyo Maamulka Dekedda,isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Horta Heshiiskani inbadanbaanu ka shaqeynay oo meelihii aanu hiigsaneynay meelo ku dhawdhaw ayuu soo gaadhay, tobankii sanadood ee lasoo dhaafey cid naala noqota (Partliner) Shuraako oo Dekedda nala dhisa maanta waxaanu dooneynaa intey soo saarto labaatan laab inay soo saarto,waxaanu dooneynaa Faa,iidada ay maanta leedahay inay sodon-laabkeed yeelato waxaanu dooneynaa inaanu Somaliland gaadhsiino meeqaam sare oo dadka Geeska-Afrika oo dhami ka dukaansadaan”Mar laweydiiyay Maareeyaha Dekedda Berbera cida ay la saexeedeen Heshiiska isagoo ka hadlaya Waxa uu yidhi, “Waxaanu heshiiska la sexeexanay Dp-World,waxaanu la sexeexaney heshiis hordhac ah heshiiskaasi wali waa qabyo heshiiskii Guud ee balaadhnaana wuu noo hadhsan yahey,waananu kawada shaqeyneynaa fursadaana waxa iska leh shacbiga Reer Berbera iyo da,yarta uga faa,iideya insha allah”

Mar La Weydiiyay Maareeyaha Dekedda Weyn ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Cali xoor-xoor), qodobada ugu waaweyn ee heshiiska in ay la wareegayaan Maamulka Dekedda iyo Xiliga ay la wareegayaan isagoo ka jawaabaya Su,aashaasi waxa uu yidhi.

“Wallaahi qodobada waxa kamid ah hadaan ku horeeyo Dekadd cusub ayay dhisayaan marka heshiiska sidaa loo sexeexo birta iyo dhagaxa waa lasoo bilaabayaa sida heshiiska ku cad ama ka dambeba ku cadaan doonta waxa kamid ah in labada dekaddoodba lawada yeesho,oo lawada maamulo Somalilandna ay DP-World Shering wanaagsan ka qaadato sidaasna hawsha lagu wadagalo oo dardar xoog leh lagu dhaqaajiyo,oo aynu dhisme iyo Lacagba ka helno”Ayuu yidhi Cali.

Mar uu ka jawaabayay Su,aal kale oo la weydiiyay oo ku sahabsaneyd Goorma ayaa Heshiiska kale la sexeexayaa hadii Heshiiskani qabyo yahey waxa uu yidhi.

“Shaqadu waxey bilaabantey intii aanu ku maqneyn wax ka horeeyay majirin,shaqooyinka noocaas ahina mudey qaataan waxaanu ku dedaaleynaa wakhtiga ugu gaaban ee ugu munaasibsan ee aanu qabyo tirkaa ku dhameyneyno ayaanu ku dedaaleynaa”.

Mar laweydiiyay Maareeyaha Dekedda Berbera in guux badani jiro islamarkaana, uu isagu Maareeye ahaan Waayo aragnimo badan u leeyahey Dekedda maadaama aan heshiiskan la faafaahin,hadaad istidhaahdo sheeg isagoo ka jawaabaya wuxu yidhi.

“Maya maya waa inay kasii badato hadey kasii badan weydo heshiiskey kamid tahey waa halka ugu hooseysa ee ay wax ka iman karaan,oo ay ka bilaabmeyso waataan ku idhi toban laab iyo labaatan laaba ee ma aha boqolkiiba intaasaa ku korodhay”Ayuu yidhi Eng Xoorxoor.

Mar La Weydiiyay Mudada Heshiiskani soconayo isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi.

“Heshiiskani lama sexeexin laakiin heshiisyada noocani waxey socon karaan labaatan sano iyo wax ka badan qodobo badan oo muhiim ah ayaanu ka heshiinay, oo ay kamid yihiin in lawada lahaado, inaan shaqaalaha Dekedda iyo Maamulkooda wax kusoo kordha mooyaane aaney waxba ka tagin,waxa kamid ah in heshiiska marka lasexeexaba la bilaabo,waxa kamid ah inaanay hawl aaney dawladu ogayn ama ta joogta ama kuwa Mustaqablkaba ha ahaatee, inaanay waxba ka qabin karin,waxa kamid ah tacriifadaha in laga wada tashado,waxa kamid ah kolba tii soo baxda in wadanka hurumarkiisa laga shaqeeyo,waxa kujirta in ay wadada kaalintooda ka geystaan”Ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay Dhismaha Wadada Berbera iyo Tog-Wajaale in ay heshiiskan kujirto in ay dhisayaan Dawllada Imaaraadku iyo inkale isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi

“Haa Balanqaadyadoodey kamid tahey,oo aad iyo aadbaanu arinkaasi waxtar weynbaanu ka geysanaynaa bay yidhaahdeen shan cishaanu joogney meesha oo shantaa cisho intaasaanu soo jiidhney iyo qaar kale oo badan”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo laweydiiyay Maareeyaha Dedda Berbera sida uu u saamaynayo heshiiskani Heshiiskii ay dhawaan lagaleen Dawllada Itoobiya ee dhinaca Dekedda iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo wararka heshiiskan lagu sheegay isagoo ka jawaabaya Su,aashaasi waxa uu yidhi.

“Waa caano iyo subag ayay isku noqonayaan anagu DP-World ayaanu heshiis lasoo galney manaan arag meel Cabdiraxaan Boore lagula galey haeshiis”Ayuu kusoo gunaanadey Xogwareysiga ay Laanta Afsoomaaliga Idaacada BBC du kala yeelatey Heshiiskan Dekedda Berbera.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews