Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Baanka Adduunka
May 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Eng Xuseen Aadan Cige ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Baanka Aduunka (World Bank), oo ujeedadiisu tahay sidii uu wax ula qaban lahaa wasaaraddani.
Weftigan ka socday baanka adduunka ayaa waxa uu ka koobnaa khubaro iyo aqoonyahanno ka tirsan World Bank oo u kuur galayey sidii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga looga taageeri lahaa xagga Aqoonta iyo Adeegsiga ICT-ga iyo sidii loo hirgelin lahaa loona taabo gelin lahaa xarunta Diwaan-gelinta Adeega Ganacsiga ee Wasaaradda (One Stop Shop Business Registration). Mashruucani wuxuu wax weyn ka tari doonaa horumarinta hawlaha ay Wasaaraddu Qaranka uga masuulka tahay, gaar ahaan xagga fududaynta Adeegyada Ganacsiga iyo Xeerarka Maalgashiga kuwaasoo lagama maarmaan u ah Maalgashiga Caalamiga ah ee uu dalkeenu u baahan yahay.