berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland oo Si Adag Uga Jawaabtay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Dawlada Dalkaasi Soomaaliya
May 12, 2016 - Written by Berbera Today

Wargeyska Himilo Oo Wasiirka Qorsheynta Ka Wareystay Aragtida Xukuumadda Somaliland ka Qabto Hanjabaadda Soomaaliya Ka Soo Yeedhay & Jawaabaha Uu Bixiyey

 Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay Isla-markaana ka hor-timid Heshiiska Shirkadda DP World ku Maalgelinayso Dekedda Berbera ee Xukuumadda Somaliland la saxeexatay Dawladda Imaaraadka Carabta.

Warka 1-aad (1)Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ee Dawladda Federalka Soomaaliya Nuur Faarax oo Shir-jaraa’id Shalay ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ka soo horjeedsaday Heshiiskaasi, waxaanu ku hanjabay inay Arrintan Maxkamadaha adduunka uga gudbinayaa Dacwad.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Dekedda Berbera waa meelaha loo baahan yahay in la horumariyo, nolosha mujtamaca halkaasi ka jira (Somaliland), waxay u ahayd hal iraam oo ay maasho Somaliland Dekedda Berbera, waa meesha nolosha iyo hamiga deganaantaasi ay ku xidhantahay,haddii tii la dhaawacayo masuuliyaddu waxay na faraysaa inaan laga aamusin”

Wasiir Nuur oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Hargeysa ma joogo Maamul Heshiis Caalami ah geli kara oo Dekedda Berbera Soomaali kaga wareegto, waxayna tagi doontaa Maxkamad, haddiise Arrintu tahay maalgalin, horumarin iyo wax ku kordhin waxaan ahay dadka u horeeya ee soo dhawaynaya.” ayuu yidhi Nuur Faarax, Wasiirka Dekedaha Soomaaliya.

Laakiin, Dawladda Somaliland oo hadalkan ka jawaabtay, ayaa sheegtay in Heshiiska lagu Maalgelinayo Dekedda Berbera aanu khuseynin Xukuumadda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali-Shoombe), oo Wargeyska Himilo Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay isla-markaana waydiiyey sida uu u arko hanjabaadda  ka soo yeedhay Soomaaliya, ayaa ku jawaabay, “Wax khuseeya maaha, waayo? Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo jaar ah, balse waa nin ku kacay gardarro aanu u meel dayin iyo inay aqoon darro hayso oo ay ku kalifayso in labada dal xudduudkoodu iskaga khaldan yahay, waayo wuu ogyahay Nuur Faarax inuu dambiile yahay ka carraray halkan, oo Maxkamadi u taallo haddii uu yimaaddo, markaa nin waddan ay Maxkamadi u taallo ka arriminaya adduunkaba laguma arag”.

Wasiirka oo la waydiiyey in Hadalka Soomaaliya uu Caalami ahaan saamayn ku yeelan karo Hirgelitaanka Heshiiska, ayaa ku jawaabay, ““Maya, shaqo kuma laha, Waayo? Adduunku wuxuu inoola macaamilaa sida Dal madax-bannaan, mana aha heshiiskani kii u horreeyey ee aynu galno ee Caalami ah, hore ayey Somaliland dunida heshiisyo caalami ah ula gashay, oo waxaynu la galnay waddamo waaweyn oo Yurub ah, waxa kale oo aynu la galnay heshiisyo caalami ah jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa oo ay ka mid ahaayeen heshiiskii Somaliland iyo UNHCR ee dib loogu soo celinayey dad qaxoonti ah oo Somaliland u dhashay, markaa beesha caalamku sidooda ayey inoola dhaqantaa oo ah waddan jira oo ka madaxbannaan Cid kasta”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews