Qoysas Ku Dhaqan State-House-ka Hargeysa Oo Guryahooda Daad Buux Dhaafiyey, Carruurta Oo Loo Daad-gureeyay Jaararka Iyo Xaaladdooda
May 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Qoysaska Danyarta ah ee ku dhaqan Xaafadda State-House-ka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa soo waajahay Duruufo Nololeed oo qalafsan, ka dib markii Guryahii ay ku noolaayeen ay Daadadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee Sida xidhiidhka ah uga Da’aya Hargeysa.
Qoysaskan oo Warbaahintu booqatay, ayaa sheegay inay ku sugan yihiin Xaalad Adag, maaddaama oo iyaga oo horeba noloshoodu u hooseysay Guryihii Cooshadaha ahaana Roobabku ka waxyeeleeyeen, isla-maraana qaarkoodna uu burburiyey, qaarkoodna Daadadku ugu galeen Xilli Carruurtu huruddo, taasi oo keentay inay Baro-kacaan.