Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shir Dareen Dhaliyey Oo Maalmihii U Dambeeyay Ka Socday Badhan & Soddomeeyo Askari Oo Ka Soo Goostay Maamul-Gobolleedka Puntland
May 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Shir dareen dhaliyey oo Maalmihii u dambeeyay ka socday Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag, kaasi oo ay qayb ka ahayd dhismaha Maleeshiyo-beeleed doonaya inay si gaar ah isku maamulaan.
Shirkan oo u dhacay Hab-beeleed, hasa-yeeshee la sheegay inay Weheliso Siyaasad laga hagayo Magaalada Muqdisho, ayaa Xukuumadda Somaliland oo Warbaahintu wax ka waydiisay sheegtay inaanu shirkaasi ahayn mid waxyeelaya Nabadgalyada Somaliland, maaddaama oo Ciidamo Milletariga Somaliland ahi ku sugan yihiin Badhan.