berberatoday.com
Akhri:- Nuxurka War-Saxafadeed Ka Soo Baxey Xarunta Madaxtooyada Somaliland.
May 13, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkii golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee todobaadlaha ahaa oo uu gudoominayey ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta ku qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada.

madaxtooyada somaliland

Shirkan ajendayaashiisa waxa aad uga dhex muuqday labada qodob ee ugu weyn hadal haynta shacbiga Somaliland maalmahan oo kala ah heshiiska dhex maray dawladda isu-tagga imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sannad guurada 25aad ee la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-May, iyadoo lagu soo qaaday oo kale qodobo dhawra.

Dhinaca heshiiska labada dal dhex maray, waxa warbixin laga dhegeystay xubin ka mid ahayd weftiga madaxweynaha ee heshiiska la soo galay dawlada Imaaraadka oo ahaa wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe).

Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskani uu ka baaxad weyn yahay sida la moodayo, kuna koobnayn dekeda oo qudha, balse uu ka sal balaadhan yahay.

Warbixintiisa wuxu ku bilaabay wasiirku in mashruucani uu u qaybsan yahay saddex weji, kuna baxayso adduun dhan442 Milyan oo doolar saddexda wejiba, kuwaasoo kala ah balaadhinta iyo dayactirka dekeda Berbera, oo marka hore la xoojinayo awooda dekeda hadda jirta, iyo laba weji oo kale oo lagu balaadhinayo, jiido cusubna loogu dhisayo dekedda.

Waxa kale oo la tayeynayaa, horumarina lagu samaynayaa beeraha, xoolaha iyo Kalluunka, iyadoo dhamaantoodba waxa ka soo baxana loo diyaarinayo suuqyo lagu iibsado oo gudaha iyo dibedaba ah. Shaqaalayn looga furo Somaliland muwaadiniinteeda suuqyada dalka Imaaraadka carabta, iyadoo dad badan oo reer Somaliland ahi ay u shaqo tegidoonaan dalkaasi. Shaqaalaha Somaliland gudeheeda ka shaqaynayana ay tababaro iyo xirfadohooda oo kor loo qaado ka helidoonaan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxa kale oo ka mida qodobada lagu heshiiyey, dhinaca tamarta oo aad looga kobcindoono Somaliland oo ay ka mid tahay korontada noocyada kala duwam laga dhaliyo sida cadceeda iyo dabayshaya. Goobo kaydka shidaalka ah oo ay ka faaiidaysan doonaan Somaliland iyo dalalka bariga Afrika oo laga hergelinayo Somaliland, goobo ganacsiga xorta ah oo laga hirgelin dooono dekedda caalamiga ah ee berbera oo ay isticmaalidoonaan shirkado caalamiyi ah oo imika isticmaala dalka imaaraadka carabta qaar badan oo ka mid ahina imandoonaan soona degidoonaan Somaliland.

Waxa kale oo ka mida in dekedo kale oo ku yaala Somaliland la dhiso marka la hirgeliyo dekedda Berbera  dhismeheeda inta badan, iyagana dekedda kale ee Somaliland wax laga qaban doono.

Waxa intaa dheer waddooyinka isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale oo horeba loo waday loona yaqaano Berbera Corridor oo ay dhismeheeda ka qaybgelayaan Imaaraadka carabtu,  iyo Hoteel balaadhan oo laga hirgelindoono dalka.

Sidaa awgeed heshiiskaasi wuxuu noqonayaa heshiiskii  ugu weynaa ee Somaliland iyo Caalamku wada galaan ee ka hirgala Somaliland rubuc qarnigii la soo noqoshada mdax-banaanida Somaliland, noqonna doonto faaiidadiisu mid gaadha dalka iyo dadka Somaliland, iyo mandaqada oo dhan.

Xubnaha golaha wasiiradu waxay bogaadiyeen heshiiska taariikhigaa ee weftiga madaxweynuhu hogaaminayaa ay hirgeliyeen.

Dhanka kale, waxa goluhu ay aad u falanqeeyeen weyneynta dabaaldega rubuc qarniga 18 May ka soo wareegtay, waxana la isla gartay, insidii madaxweynuhu soo jeediyey, la muujiyo qiimaha ay leedahay xuska May, bulshada caalamkana la tuso sida ay soo celinta madax-banaanidu uga go’an tahay ummadda, wax kalena aanay u hadhsanayn dadka reer Somaliland ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka ka helaan mooyaane. Taasina la barbar wado xoojinta amniga, oo sidii caadada u ahayd bulshada Somaliland qof waliba halkiisa xil isaga saaro sugida amniga.

Waxa kale oo la xusay kor u qaadida bilicda caasimada oo ay ka qaybgelidoonaan shacbiga caasimada ku nool iyo hay’adaha dawladu, kuwaasoo magaalada u qaybsaday degmooyin ay kaga hawlgelayaan kor u qaadida bilicda caasimada ka hor 18-May, iyagoo ay hogaaminayaan guddida kor u qaadida bilicda caasimaddu.

Ugu danbayntii madaxweyne ku xigeenku waxa uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyey wasaaradda waxbarashada iyo ardayda dugsiyada gobolka maroodi-jeex oo si dardari ku jirto maalmahan danbe uga qaybgalay qaadashada kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, isagoo isla markaana u soo jeediyey in shaqaalaha hay’adaha dawladuna ee gobolka maroodi-jeex ay qaataan kaadhka codbixinta.

ALLAA MAHAD LEH 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews