Daawo Muuqalka”Qoomiyada Oromada Itoobiya Oo Maalinta Jimcaha Kulan Balaadhan Ku Yeesha Xeebta Batalaale Iyo Dhoohanaanta Xukumada Iyo Maamulada Gobolka Iyo Degmada Berbera+Qorshaha Kulankaas Ka Danbeeya
May 13, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Qoomiyada Oromada ah ee Sida sharcidarada ahugu dhaqan Gobolka Saaxil oo gtiradooda lagu qiyaaso in kudhaw 2000 oo ruux ayaa kulan aan wali ujeedadiisa la fahmin maalinta Jimcaha yar iyo weyn caruur iyo haween isugu yimaada xeebta batalaale iyaga oo kulankaasi yahay mid lama dhaafaana oo qorshihiisa ay hore udajisteen Qoomiyada oromada ee magaalada Berbera ku dhaqani, Qaar kamida qoomiyada Oromada oo mar aanu maanta booqanay aanu wax ka weydiinay kulankaas ay bada isugu yimaadaan maalinta jimcaha ayaanay si cad noogu gad bixin hase yeeshee waxa ay cadeeyeen in kulanka maalintaa Jimcaha ee badu yahay mid loo balan san yahay oo aan sinaba looga baaqsanin.