berberatoday.com
Maamulka Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Mabnuucay Qalintaanka Geel Iyo Lo,da Iyo Sababta Ka Danbaysa
May 13, 2016 - Written by Berbera Today

gel1Berbera(Berberatoday.com)-Waaxda Faya dhawrka ee dawlada Hoose ee Berbera ayaa kusoo rogay hiliblayaasha hilibka ku qala magaalada Berbera in aanay ilaa iyo amar danbe magaalada ku qali karin geel iyo Lo,da sidaasna waxa ku dhawaaqay Agaasimaha waaxda Arimaha Bulshada iyo Fayadhawrka dawlada hoose ee Berbera Jimcaale Cabdillahi Jaamac(Jimcaale Cawke)Waxanu ku sababeeyay Agaasimuhu joojintaas ay joojiyeen qalintaaka geel iyo Loda arimo la xidhiidha caafimaadka Geel iyo Loda magaalada lagu qalo oo aan fiicanay indhohoodana ay kusoo arkeen neefaf geel oo caafimaad ahaan xanuunsanaya oo hadana inta la qalo shacabka laga iibinayo, arintaas oo caafimaadka bulshada halis ku ah ayay maamulka dawlada hoose gaar ahaan waaxda Fayadhawrku ujhoojiyeen in ilaa amar danbe magaalada lagu qalo geel iyo Lo,ba  sidoo kale waxa uu agaasime jimcaale cawke sheegay in Hutelada laga cunteeyo ee magaalada Berbera laga baadhi doono inay hilib geel iyo mid lo,aadba iibinayaa Hutelkii laga helana la ganaaxi doono ruqsada ganacsigana lagala noqon doono

Aggaasimaha waaxda arimaha bulshada iyo Fayadhawrka Jimacaale Cabdillahi jaamac(Jimcaale Cawke) oo sharxaad ka Bixinaya sababta ay umabnuuceen in glle iyo Lo Berbera lagu qalo ayaa waxa uu yidhi”Saaka oo Jimce ah waxaanu guud ahaanba joojinay qalitaanka Geela iyo Lo’da lagu qalayo magaalada Berbera, sidoo kale waxaanu ilaa amar danbe aanu mamnuucnay in in Hilib geel lagu cuno magaalada, iyadoo shaqalaha dawlada hoose u qaabilsan Fayodhawrka guud ay hubinayaan Hoteelada cuntada kii lagu arkana lagala noqonayo Ruqsada ganacsiga”

 

gel3

Talabadan uu maamulka dawlada hoose qaaday ayaa ka danbaysay Kadib markii uu maamulka waaxda Fayadhawrka ee dawlada hoose ee Berbera ku arkeen Xera dhiigta neef Geel ah oo la rabay in lagu qalo Xero dhiigta kaas oo cafimaad ahaan munaasib ahayn.

Waa marki labaad ee Kiis noocan aanu qabano iyadoo dadki falkaa ku kacayna sharciga lala tiigsan doono dhawaan insha allah.

gel2

 

Berberatoday.com,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews