berberatoday.com
Kaligii Taliye Ismaaciil Cumar Geele Oo Xukumadisii Hore Dib Usoo Magacaabay Isaga Oo Ka Dhigaya Xukumad Cusub
May 14, 2016 - Written by Berbera Today

Djibouti(Berberatoday.com)-Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo uu shalay markii labaad jagadaas u magacaabay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad Madaxweynaha Jabuuti loo doortay 8-dii bishii hore, ayaa Maanta soo magacaabay Golaha Xukuumaddiisa oo ay Xubno badan oo cusub ka dhex-muuqdaan Wasiirrada.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee uu Maanta soo dhisay Raysal-wasaaraha Jabuuti, ayaa qaarkood ka tirsan yihiin Wasiirradii Xukuumaddii hore uu isla Raysal-wasaare Kaamil hoggaaminayey, iyadoo ay jiraan Wasaarado cusub oo lagu kordhiyey tirada Wasaaradaha Xukuumadda Jabuuti.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, oo Warbaahinta loo akhriyey, ayaa lagu faahfaahiyey Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti. War-Saxaafadeedka Magacaabista Masuuliyiinta Xukuumadda cusub oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, kuna qornaa Luuqadda Faransiiska, Balse Bahda Aftahannews Soomaali u turjumeen, waxa uu Qoraalkiisu u dhignaa sidatan:-

“Liiska Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Jabuuti:-

  • Wasiirka Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale
  • Xasan Cumar Maxamed Wasiirka Arrimaha gudaha
  • Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka arrimaha dibedda
  • Boode Axmed Rooble Wasiirka Miisaaniyadda
  • Jaamac Cilmi Cokiye Wasiirka Caafimaadka
  • Cali Xasan Bahdoon Wasiirka Gaashaandhigga
  • Maxamed Axmed Cawaale Wasiirka Beeraha iyo Kalluumaysiga
  • Nabiil Maxamed Axmed Wasiirka Tacliinta Sare
  • Muumin Axmed Sheekh Wasiirka Caddaaladda
  • Cali Geelle Abubbakar Wasiirka Madaxtooyada iyo Maalgashiga
  • Maxamed Cabdiqaadir Muuse Wasiirka Hawlgaha Guud
  • Muumin Xasan Barre Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta
  • Cabdi Yuusuf Suge Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Boosaha
  • Xasan Iddiris Samirre Wasiirka Shaqada
  • Mustafa Maxxamed Maxamuud Wasiirka Tacliinta iyo Xirfadaha
  • Xasan Maxamed Kaamin Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
  • Muuna Cismaan Aadan Wasiirka Arrimaha Bulshada
  • Yaasiin Xuseen Buux Wasiirka Warshadaynta
  • Xasan Muxamed Ibraahin Wasiirka Baayac-mushtarka iyo Dalxiiska
  • Maxamed Cabdulqaadir Muuse Wasiirka Dekedaha, Madaarrada iyo Qalabaynta
  • Muuse Maxamed Axmed Wasiirka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
  • Muumina Humed Xasan Wasiirka Qoyska iyo Haweenka
  • Aamina Cabdi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
  • Xamaado Maxamed Aramis Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha
  • Xasan Humad Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.”

Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Magacaabista Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti, sida Berberatoday.com ku heshay Qoraalkan Magacyada iyo Xilalka Wasiirrada iyo Wasiirro Ku-xigeennada Xukuumadda Jabuuti.

Muuqaalka ku Dhawaaqista oo Luuqadda Faransiiska lagu akhriyayana, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews