Nin Dilaala Mooyee, Dagmadaan Ku Noolahay, Nin Daryeel Yidhaahdaa, Dulibuu Ka Qoranyahay
May 14, 2016 - Written by Berbera Today
Dantii guud ayaa luntay, waxaynu gaadhnay in qof walba dantiisa gaarka ah eegto wax kasta oo ka hor imanayana iska indho tiro. Xukuumadii iyana waxay noqotay mid ku foogan dardargalinta danaha gaarka, waxaana dayac badani soo gaadhay Dantii Guud. Isku xidhnaantii bulshada hoos u dhac wayn ayaa ku habsatay, kadib markii la jaray hablawlayaashii waraabin lahaa wadajirka iyo midnimada umada Somaliland.
Xukuumada Kulmiye ee ku timid codka shacabka may noqon mid ka turjunta baahida dhabta ah ee bulshada, waxaanay isku badashay xukuumad ganacsi oo gacanta u gashay koox yar oo cid walba leh oo isku shaqaysanaysa kaliya waxay indhahoodu arkaan wixii dano gaar ahi ugu jirto xataa hadii ay tahay mid qaranka iyo qadiyada somalilandba dhaawacaysa. Aduunka laguma arag Dawlad doonaysa inay hesho maalgashi caalami ah oo hadana dilaalaysa, wax is qabanayana maaha Maalgalin baa rabaa iyo waan Dilaalayaa oo wax la yidhaa (Xaqul-qalin) keena, taasi waxaan leeyahay horumarna masoo wado lamana doonayo wax tar ee kaliya waxay rabaan waxoogaagaa ay ula baxaeen xaqul qalinka oo aan odhan karo waa musuqmaasuqii oo casriyaysan. Waxa loo ham iyo digleeyahayna maaha bulshada baahideeda, ee waa Boorsooyin madhan buuxintooda. Kuna fadhiya xikmadii ahayd Qawda Maqashii Waxna Haw Qaban.