berberatoday.com
Xisbiga WADDANI Oo Kulmiye Ku Eedeeyey in Uu Mas’uul Ka Yahay Niyad Jabka Reer Hargeysa Ee Qaadashada Kaadhka Diiwaan-gelinta
May 14, 2016 - Written by Berbera Today

“Niyad Jabka iyo Saluuga Ay Reer Hargeysa Ka Qabaan Qaabka uu Kulmiye Wax u Wado, Ayaa Sabab u Ah in Ay Qaadan Waayaan Kaadhka Diiwaan-gelinta.”. Xoghayaha Xidhiidhka Goballada WADDANI Siyaasi Cabdillaahi Daamur

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha xidhiidhka goballada iyo degmooyinka ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdillaahi Axmed Maxamed (Cabdillaahi Daamur), ayaa si faah faahsan uga hadlay asbaabaha keenay in shacabka ku dhaqanka gobalka Maroodi-jeex, gaar ahaan degmada Hargeysa, ay ka cago jiidaan in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan degmada Hargeysa ee gobalka Maroodi-jeex uu ku dhacay niyad jab aad u xooggan oo kaga yimi qaabka uu wax u wado xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana ay saluug ka muujiyeen nidaamka cadaaladda, qaadashada shaqaalaha, boobka hantida umadda iyo weliba sida oo kale goleyaashii deegaanka ee dhawan la soo doortay oo iyagana uu sheegay in habacsanaan iskaga fadhiyaan oo aanay umadda waxba u qabanin.

Md.Cabdillaahi Axmed Maxamed (Cabdillaahi Daamur), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu tilmaamay in xisbiga WADDANI uu werwer xooggan ka qabbo arrintaasi isaga oo xisbiga Kulmiyena ku eedeeyey mas’uulliyadda niyad jabka ku dhacay shacabka degmada Hargeysa, waxaana uu carabka ku dhuftay in saluugaa iyo niyad jabkaa ay shacabku ka qaadeen qaabka uu wax u wado xisbiga Kulmiye ay sababi karto kacdoono shacab oo aad u xooggan.

“Waxa aynu ognahay runtii in degmada Hargeysa ay diiwaan-gelintii u qaadan weyday siddii la rabay, sideedabana marka la eego halka ay Hargeysi kaga taallo qaranka Somaliland waxa weeye dhammaanba dad ka kala kooban goballadii kale ee dalka oo dhan oo metela ayaa Hargeysa jooga oo ku nool oo ah runtii dad muhiim ah, markaa dareenka ay degmo Hargeysa bixisaa wuxu ka dhigan yahay dareen ay gebi ahaanba wada bixiyeen dadka ku nool jamhuuriyadda Somaliland oo idil. Haddaba maxaa keenay in degmada Hargeysa ay diiwaan-gelintii qaadan weyday oo uu yimaado niyad jabka inta leeg?. Runtii arrintaas markii aan annagu WADDANI ahaan ka fekernay , waxa ay nagu abuurtay werwer fara badan, sababta keentayna waxa weeye niyad jab ay dadkii ka qaadeen hab maamulkii iyo doorashooyinki ugu dambeeyey ee dalka laga qabtay iyo waxyaabo badan oo nidaam ahaan khaldan oo KULMIYE uu sameeyey,waynu ognahay oo dadweynahu shir mey gelin, meelna kumay heshiin oo may odhan yeynaan qaadanin se fariinta ay direen  waa dareen ay ku mideysan yihiin saluugaas, saluugaasina wuxu dhalayaa oo maalinta dambe uu keensan karaa kacdoon dadweyne, waxaana cad in shacabku ay quudhsadeen habka loo wado cadaaladda, habka shaqo bixinta, habka loo maamulayo hantida qaranka, habka golahii deegaanka ee ay doorteen ay wax u wadaan, hababkaas oo dhan saluuga ka muuqda ayaa waxa uu keenay in dadku ay diiwaan-gelinta ka niyad jabaan, niyad jabkaasina waa mid uu maamulku keenay, imika oo ugu dambeysay dhacdooyinkaa dhacayaa waa kuwo dadka ku sii dhalinaaya kacdoono dad weyne, marka ay arkaana dekaddii Berbera oo la xaraashayo, haamahii shidaalka oo aynu oggeyn, hantiddii qaranka oo iyana aynu ka war haynay, guryahii qaranka, dhulkii qaranka iyo guud ahaan wixii umadda ka dhaxeeyey oo si qaldan oo aan sax ahayn loo isticmaalayo marka dadkii arkaan, waxa dhacaysa in dadku niyad jabaan oo ay ka niyad jabaan doorashooyin iyo madax timaada toona.”Ayuu yidhi Md.Cabdillaahi Axmed Maxamed.

Md.Cabdillaahi Daamur oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin shacabku ay heerkaas niyad jabka ah gaadhaan, waxaana uu cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in mucaarad iyo muxaafadba lagaga gurmado siddii shacabka loogga saari lahaa marxaladdan ay galeen isaga oo miiska soo saaray qorsheyaal badan oo uu sheegay in xisbiga WADDANI uu shacabka kaga saari doono niyad jabka iyo saluuga ay qabbaanba, waxaana uu yidhi:

“Aad iyo aad ayaanu uga xunahay in arrintu halkaas ay gaadho, waxaanan qabbaa maanta mid muxaafid ah iyo mid mucaaradaba in waxa muuqday ee ah in dadweynahu iska soo istaagaan diiwaan-gelintii, weliba degmada Hargeysa ay iska soo istaagto, waxa loo baahan yahay in arrintaa laga fekero, siddii wax loogga qaban lahaana loogga wada-hadlo, dalkuna maanta khatar buu ku jiraa, niyad jabka inta leegna wuxu keenayaa khatartiisa, waxaana aynu u baahan nahay siddii dadka niyaddoodu ay ugu soo noqon lahayn in la dhiso. Ka xisbi mucaarad ahaana waxa aanu qabnaa qorshahii aanu dadka kaga dhaadhicin lahayn in aan la quusan, dalkani quusasho uma baahna, dalku wuxu u baahan yahay qaranimaddiisaa la bahdilay ee la dulleeyey in sare loo soo qaado oo dibna looggu soo celiyo quruxdii iyo sharaftii uu lahaa, waxa aanu qabnaa in qeybinta hantida iyo shaqooyinka umadda ka dhaxeeya in si caddaalad ah loo qeybiyo, waxa aanu qabnaa in aan hantida qaranka la xaraashin, waxa aanu wadnaa qorshe habboon oo Tahriibka iyo dhallinyarta badaha isku guraaya lagu xalinaayo, ma ummaleynaysaa in 200 ee dhallinyarta ah ee badaha isku guray in ay fariin caadi ah u ahaayeen niyad jabka shacabkan ku jira, arrin sahlana may ahayn oo guri walba waa lagaga dhintay.”

Ugu dambeyntiina, xoghayaha xidhiidhka goballada iyo degmooyinka Somaliland ee xisbiga WADDANI, waxa uu farta ku goday guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu raali ka ahaa heshiiskii lagu wareejinaayey dekadda Berbera isla mar ahaantaana uu qeyb kala ahaa saxeexii iyo qorshaha heshiiskaba.

“Fariintan ah dadku in ay yidhaahdeen diiwaan-gelin ma gelayno, waa arrin qaran, dhibka ay lee dahayn waa aynu dareensanahay. Hargeysana waa meesha laga qaadanayo min qiyaaska bulshada reer Somaliland, way caddeeyeen, waxaana ay sheegeen in ay aad u niyad jabsan yihiin, niyad jabsanaantaasna waxa ka mas’uul ah xisbiga Kulmiye isagaana maanta ugu dambeeyey oo dekaddii soo xaraashay iyada oo guddoomiyahii Kulmiye uu la taagnaa xaraashka iyo boobka hantida lagu sameynaayo, raalina uu kaga ahaa, saxeexana uu badhkiisa qaatay oo la wada oggaa, qarankuna maanta badbaado ayuu u baahan yahay iyagaana maanta taladii dalka hayee ha ku dedaalaan siddii dalkani ugu soo noqon lahaa ma jarahii saxda ahaa, dadkana niyad wanaagii looggu soo celin lahaa.”.Ayuu yidhi Cabdillaahi Daamur

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews