berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Usacabo Tuntey Heshiis Ishafalato Ah Oo Shirkada DP World Ay Ku Ruxaneyso Dawlada Jabuuti.
May 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Madaxweyne Silaanyo ayaa u Riyaaqday heshiiska Ishaafalatada ah ee Shirkada DP World ay Ku Maalgalinayso Dekadda Berbera, heshiiskaasi oo ah mid aan ka go’neyn Shirkada DP World inay Fuliso, Balse ay ku Ruxayso Dawlada Jabuuti Oo ay ka dhaxeyso dacwad Maalgashi oo heer caalami ah, dacwadaasi oo ku saleysan Maalgalintii Shirkad DP World ay galisay Dekadda Dooraale ee Dalka jabuuti.

boore iyo

Waxaana Maalmihii u dambeeyey qaar katirsan Gobolada Somaliland ka socday Baaqyo tageero loogu Muujinayo Mashruuca Dhaxal Wareejinta Dekadda Berbera,ee Xukumada Madaxweyne Silaanyo ay la soo gashey Shirkada Carbeed ee Dubia Port World.

Baaqyadaasi tageerada ah oo ay dabada ka riixayaan,Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi iyo koox Xulufo kula ah mashruucan madhaleyska ah ee loo Riyaaqey, islamarkaasina lagu Xalaaleynayo Lacagta Xaqul Qalinka lagu sheegay ee Jeebka ugu jirta Shakhsiyaadka Barnaamijkaasi hor kacaya, shakhsiyaadkaasi oo uu kow ka yahay Safiirka Dalka Imaraatka u Fadhiya Somaliland, islamarkaasina Madaxweynaha Somaliland uu Sodoga u yahay Baashe Cawil.

Dhanka kale Mashruucan Shirkada DP World ay la saxeexatey Xukuumada Madaxweyne Silaanyo,ayaa ah mid uu ku gor-gortamayo Ganacsadaha ay sida aad ka ah iskaga soo horjedaan Madaxweynaha Jabuuti ee lagu magacaabo INA BOORE,ganacsadahaasi oo shirkada DP World share ku leh,islamarkaasina doonaya inuu heshiiskan uga Faiidayso Loolanka Siyasadeed ee dhexyaala isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele.

Shirkada DP World oo ah Shirkada ka shaqeysa dhinaca Maalgashiga Dekadaha ayaa Todobaadkan Heshiis hordhac ah la gashey Somaliland, heshiiskaasi oo dadka la socda arrimaha maalgashiga caalamiga ah,ay ku tilmameen inuu yahay Heshiis quudhsi ah oo aan u Cuntamin Qaranka Somaliland,islamarkaasina Shirkadu ay uga dan leedahay inay ku xanibto shirkadaha Daneynayo Maalgashiga Dekadda Berbera, oo mudooyinkii u dambeeyey si weyn wufuuda ka socotaa ugu soo qul-qulayeen Somaliland.

Si kastaba ha ahatee Heshiiskan Shirkada DP World ay ku Ruxeyso, Dacwada Maalgalinta ah ee u dhaxeysa Dawlada Jabuuti,ayaa Khoboradaasi ku tilmameen in mid Xukumada Madaxweyne Silaanyo ay ku Sadqeysay Mustaqbalka Maalgalinta Dekadda Berbera, kaasi oo keeni kara haddii uu u sii socdo mid Cawaaqib xumo, riiq dheeraata keena,taas oo sameyn Togan ku yeelata Mustaqbalka Siyaasada iyo Dhaqaalaha Somaliland oo Sanadihii u dambeeyey Suuqayada Maalgashiga ama Shirkadaha Daneeya Geeska Afrika ay si weyn isha ugu hayeen.

 

Xasan Maxamed Dhimbiil

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews