berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Wallaac Ka Muujisay Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Soomaaliya
May 15, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Beesha Caalamka, ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsaha badan uu ku meel-mariyo Hannaanka Doorashada ee Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay isku raaceen 12-kii bishii lasoo dhaafay ee Abriil, 2016-ka.

Bayaankan beesha caalamka oo ay si wada jir ah u soo saareen midowga afrika, qaramada midoobay, midowga yurub, igad, usa, itoobiya, Sweden, talyaaniga iyagoo wallaac ka muujiyey meelmarin la’aanta baarlamanka federaalka Soomaaliya ee hannaanka doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan lagu jiro ee 2016, oo raysal wasaaruhu hore ugu gudbiyey.

Waxaana xusid mudan in Xubnaha Beesha Caalamka ay la kulmeen  Saddex cisho ka hor Guddoonka Baarlamaanka iyo Xubnaha Guddiga Baarlamaanka u saaray turxaan-bixinta heshiiskii habka doorashada sannadkan ay kaga dhacayso Soomaaliya.

Wakiilka QM ee Soomaaliya, Micheal Keating ayaa xusay in qoddobada ugu Muhiimsan ee lagu heshiiyay ay ka mid yihiin; Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo sida kuraasta loo qoondeeyay Haweenka oo ah 30%, isagoo xusay inaanay marnaba habboonayn in dib u dhac lagu keeno.

“Baarlamaanka Federaalka, waxaan ka codsanaynaa inay fahmaan dareenka sii kordhaya ee degdega ah iyo inay u guttaan waajibka kaga aaddan arrintan, sidoo kale waxa lagama maarmaan ah, in hannaanka la isku raacay ee Geeddi-socodka Doorashoada la meel-mariyo oo aanu dib u dhac ku imaan, iyadoo booqasho ay ku imaanayaan Soomaaliya Golaha Ammaanka ee QM,” ayuu yidhi Danjire Micheal Keating.

 

Ergayga ayaa hadalkiisa ku daray. “Mustaqbalka Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa hakad ku jira illaa laga meelmariyo Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya.”

Ugu danbeyn, Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay diyaar u yihiin taageerada Nidaamka Doorasho ee sannadkan ka dhacaysa Soomaaliya, Laakiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan weli meelmarin, suurto galna ay tahay inay wax ka badal ku sameeyaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews