berberatoday.com
Diyaaradaha Caalamiga Ah Oo Laga Mamnuucayo Hawada Kenya –
May 15, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Maamulka Duullimaadka Diyaaradaha Maraykanka (US Federal Aviation Administration (FAA) ayaa dabada ka riixaya  sidii ay Ururka Caalamiga ee Duullimaadyadda Rayidka “The International Civil Aviation Organisation (ICAO) ugu dhawaaqi lahaayeen inaanay ammaan ahayn Hawada Sare ee Kenya, loona aqoonsado inaanay ammaan u ahayn inay Diyaaraduhu  ku degaan  Garoomadda Kenya ama dul maraan Hawadda dalkaasi. Sidaas waxa shalay baahiyay wargeyska The standard ee ka soo baxa dalka Kenya.

1

Maraykanka ayaa doonaya in Hawada Kenya lala barbar dhigo Hawada Sare ee dalalka loo aqoonsan yahay inaanay ammaan ahayn, kuwaasi oo kala ah Somaliya, Afganistan, Masar, Iraq, Libya, Pakistan, Saudi Arabia, South Sudan, Sudan, Syria, Ukraine iyo Yemen.
Dalalkaasi waxaa looga digay Diyaaradaha Calaamiga inaanay kuna degi karin ama aanay dul-mari Karin Hawada dalalkaasi.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inaanay caddayn sababaha ay Dowladda Maraykanka u qaadayso Tallabadaasi iyadoo aan Dowladda Kenya ku soo wargelinin  ama u sheegin sababta Hawada Kenya loogu aqoonsanayo mid Khatar u ah Diyaaradaha.

Tallaabadda Maraykanka ee lagu go’doominayo Hawada Sare ee Kenya waxay kaloo khatar gelin karaan qorshaha lagu bilaabi lahaa Diyaaradaha Tooska ee Kenya ka baxa ee ay ku tegi lahaayeen Maraykanka.

Ma cadda inay Maraykanka heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo ku la xidhiidha weerar  ay suurtogal tahay inay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka Kenya, Michael Macharia ayaa hoos-u-dhigay Cabsida laga qabo in Diyaaradaha Caalamka go’doon ka noqdaan Hawada Sare ee Kenya.

Ku-dhawaad 40 Diyaaradood ayaa ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Calaamiga ee Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi, iyadoo ay Kenya xuddun u tahay inay u samayso Isku-xidhka Khadadka Diyaaradaha ee dhamaan Magaallooyinka waa weyn ee Caalamka.

Sidoo kale, ku-dhawaad 10,000 oo qof oo Rakaab ah ayaa maalin kasta isticmaala duullimaadyada ka baxa ama ku soo dega Garoonkaasi, taasi oo muujinaysa muhiimadda Garoonkaasi leeyahay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews