berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Dul Ka Xaadis Ah Uga Hadlay Heshiiska Dekedda –
May 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khudbad uu habeen hore u jeediyay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu si kooban ugaga hadlay heshiiska dekedda Berbera iyo Imaaraadka Carabta.

1

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in heshiiskani faa’iido u leeyahay Somaliland, isagoon habayaraate soo hadal qaadin qodobada uu heshiisku ka koobanyahay iyo doodaha ka dhashay heshiiskaas. “War idinkuma seegana sababta aanu halkan u joogno, waxaana ugu muhiimsan heshiiska aad maqasheen ee maalgashiga Berbera iyo mashaariicda la xidhiidha. Heshiiskani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay kobaca dhaqaale, ka ganacsi iyo horumarka aynu hiigsanayno ee dalkeena. “ ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo intaas raaciyay “Siyaasadda maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa cid kasta oo awood maalgashi leh oo buuxisa xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ahba ee dalkeena wax ku soo kordhinaya, dhaqale, ganacsi, dhisme iyo ka faa’iidaysiga badda iyo wixii la mid ah.”

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u mahadceliyay dawladda Imaaraadka Cararbta, “Si gaar ah waxaan ugu mahadnaqayaa dawladda Imaaraadka Carabta; madaxda Dubai iyio shirkadda DP sidii wacnayd ee ay noo qaabileen iyo horumarkii aanu ka wada hadalnay mudadii aanu joognay oo aanu ku kalsoonahay inay faa’iido weyn u leeyihiin guud ahaan dalkeena iyo dadkeenaba.” sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Wuxuu ugu dambayn ka hadlay dabaal degga xuska 18 May ee sannadkan oo ay Somaliland 25 jirsatay, waxaanu sheegay in 25-kaas sannadood ay Somaliland wax weyn oo dhinaca dawladnimada ah qabsatay, “Taas oo aynu adduunka uga fadhino aqoonsi buuxa.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews