berberatoday.com
Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Aanay Suurto-gal Ahayn In Nabadda Somaliland Sii Waarto & Sababaha Ay U Cuskadeen
May 16, 2016 - Written by Berbera Today

“Ma suurtoobeyso inaad meel samaysato oo aad tidhaahdo keligay uun baa noolaanaya, waxaan leeyahay Ma Noolaaneysid oo kaaguna wuu gubanayaa…” Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

 

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in aanay suurto-gal ahayn in Somaliland ku sii waarto Nabadda iyo horumarka ka hano-qaaday, inta Colaaduhu ka taagan yihiin Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya, waxay sheegtay inaan la saadaalin karin waxa Mustaqbalka Soomaaliya ku dambeyn doono, Maaddaama oo Somaliland oo Dawladda Xamar dooneyso inay Nabadgalyo u horseeddo Soomaaliya diidday inay dib ula midowdo.

Warka SoomaaliyaWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, oo lagu Wareystay Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in Gooni isku taagga Somaliland uu dhibaato ku yahay Soomaaliya,  haddii Somaliland Go’aankeeda ku sii adkaysatana aanay suurto-gal ahayn inay Nabad sii ahaato, Maaddaama oo Soomaaliya oo jaarkeeda ah Colaado ka jiraan.

Wasiir Hadliye oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxa jira Dad la baxay Somaliland, oo aanu rabno inay Soomaalida hagaan, oo ay ku soo noqdaan oo ay wax la qaybsadaan (Dib ula midoobaan Soomaaliya), oo haddii ay Nabad heleen ay Nabaddaa la qaybsadaan Walaalahooda kale, Islaamnimo kula qaybsadaan, Soomaalinimo kula qaybsadaan.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Somaliland iyo Soomaaliya inay jiho isku mid ah u wada jeedsadaan, haddii kale amaan darada Soomaaliya ka jirtaa saamayn ku yeelanayso Somaliland, “Haddii Qof walba uu ku farxo marka ka kale la wiiqo wax shaqeynayaa ma jiro. Waxaa loo baahan yahay in Jiho loo wada jeedsado, Waayo ? Ma Dhergeysid haddii Walaalkaa gaajoonayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka digay in Colaadaha ka jira Soomaaliya ay saameeyaan Somaliland, “Ma noolaaneysid haddii guriga kugu xigaa gubanayo, oo kaaguna wuu gubanayaa, ma suurtoobeyso inaad meel samaysato oo aad tidhaahdo keligay uun baa noolaanaya.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka deyriyey Mustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, “Haddii aan taa la garanna Dadka Soomaaliyeed ILAAHAY bay leeyihiin, Dalka Soomaaliya Mustaqbalkiisa iyo waxa uu ku dambeyn doonana waa la ogaan doonaa.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews