berberatoday.com
Kooxda Faneeda Xigaha Geeska Oo Hogaan Cusub Doortay Shirweyne Ay Isugu Yimaadeen
May 16, 2016 - Written by Berbera Today

xidigaha

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaankii Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska oo fadhigoodu yahay Hargeysa, ayaa is-beddel lagu sameeyey, ka dib markii Maanta Xilka laga qaaday Guddoomiyihii Kooxdaas Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax), isla markaana la doortay beddelkiisa.

Beddelka ayaa yimi ka dib Shirweynihii labaad ee Kooxda Xiddigaha Geeska oo Maanta illaa caawa ka socday Xarunta Kooxdaas ee magaalada Hargeysa, kaasoo lagu beddelay Guddoomiyihii Kooxdaas Abwaan Laab-saalax, isla markaana Guddoomiye loogu doortay Axmed-weli Ibraahin Maxamuud (Furinle) oo hore u ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kooxdaas, halka Guddoomiye Ku-xigee looga doortay Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) oo hore u ahaa Xoghayaha Fulinta ee Xiddigaha Geeska, sidoo kalena waxa Xoghayaha Guud ee Kooxdaas loo doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (Cabdiraxmaan-Oday) oo Guddiga Kooxda ka tirsanaa.

Sidoo kale, waxaa Shirkan lagu doortay Guddiga Fulinta ee Kooxda Xiddigaha Geeska, isla markaana waxa lagu ansixiyey Sharciga Kooxda oo Wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey dhawaan. Waxaana is-beddelkan loo maray sida uu dhigayo Sharciga Kooxda oo ah Codayn toos ah oo lagu dhaqmayo dhinaca Aqlabiyaddu u badato codadka gacan-taagga ah ee Xubnaha Kooxda.

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed natiijada shirkaas lagu soo koobay oo caawa ka soo baxay Guddiga Kooxdaas, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Kooxada xiddigaha geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaaladda Hargaysa ayaa sida uu Sharci hoosaadka u yaalaa uu dhigayo labadii sanaba doorata maamul mudo laba sanadood ah hogaamiya kooxda, sidaa daraadeed shir ka qabsoomay xarunta kooxda xidigaha geeska ee magaaladda haragaya islamarkaana ay kasoo qeyb galeen 22 xubnood oo ka mida xubnaha koox da xiddigaha geeska waxa halkaasi sida sharciga kooxdu dhigayo lagu doortay hogaanka kooxda xiddigaha geeska hogaamin doona mudada labada sano ee soo socota

Waxaana halkaasi gudoomiyaha kooxda xiddigaha geeska ee labada sano ee soo socda si rasmiya loogu doortay Axmed wali ibraahim Maxamuud{ furine} , oo ay cod gacan taag ah ku dorteen 21 xubnood oo shirka kasoo qeyb galay, sidaana uu xilkaasi ugu ansaxay isagoo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda xidagaha geeska.

Halka sidoo kale gudoomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Axmed Bakaal {cirro} oo 22 xubnood cod gacan tag ahi ugu doorteen xilkaasi siagoo hore u ahaa xog hayaha kooxda xidaha geeska, waxa sidoo kale xog hayaha kooxda xidagaha geeska loogu doortay Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi {oday} taas oo 21 xubnood ay xilkaasi ugu doorteen isagoo hore u ahaa madaxa abuubulka kooxda xidagaha geeska.

Sidaa daraadeed gudoomiyihii hore ee kooxda xidagaha geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul {laabsaalax} isagoo ku mahadsan xilka uu soo hayay muddo laba xilliyeed horumarkii iyo guulihii uu gaadhsiiyay kooxda waa mid karaamo iyo qadarin ku leh kooxda dhexdeeda.

Allaa Mahad leh

1.Axmedweli Ibraahin Maxamuud

2.Sidiiq Maxamuud Gahayr

3.Maxamed Siciid C/laahi (Xarrago

4.Maxamed Siciid Cabdi (Bk)

5.C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylani)

6.Maxamed Miyir Xaaji

7.Sidiiq Maxamed Burmad

8.Guddiga Agaasinka Kooxda Xiddigaha Geeska (BOD).”

Guddoomiyaha Xilka laga qaaday ee Xiddigaha Geeska, Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa wakhtigan dalka Safar kaga maqan, isla markaana ku sugan magaalada Nairibo ee Caasimadda waddanka Kenya oo ay isaga iyo Xubno Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ka tirsani ku sugnaayeen dhawaanahan.

Waana markii ugu horreysay ee isbeddel noocan oo kale ah lagu sameeyo Hoggaanka Kooxda tan iyo markii la aasaasay, isagoo Laab-saalax inta Kooxdu jirtay ahaa Hoggaamiyaha Xiddigaha Geeska.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews