berberatoday.com
Layaab”Waraabe Lagu Dilay Hargeysa Oo La Kala Boobay Haraggiisa, Sankiisa, Lugihiisa, Dad Laga Sii Iibsaday Iyo Waxa Laga Aminsan Yahay Iyo Caadooyin Hore Oo Dib Usoo Noolaaday
May 16, 2016 - Written by Berbera Today

“Inyar oo Harag ah, ayaa la igaga iibiyey Lacag Shan Doollar ku dhow, Waayo? Waxaan arkay Magaalada oo isku leynaysa oo leh guriga Haragga Waraabaha la saaro Jinku hortiisaba ma imanayo” Mid Ka Mid Dadka Iibsaday Haragga Waraabaha

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhacdo ugub ku ah Shacabka Somaliland ee nool Xilligan Casriga ah, ayaa ka dhacday Xaafadda Cabbaaye ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii Waraabe Waagu ka baryey oo Dhallinyaro ku dileen Halkaasi, la boobay Haraggiisa, Sankiisa iyo Lugihiisaba isla-markaana la kala iibsaday.

Warka 3-aad - CopyWaraabahan oo la rumaysan yahay inuu u soo qadhaab doontay gudaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Cabbaaye ee Hargeysa, balse Waagu ka baryey, ayaa dhallinyaro badan oo aragtay qudha ka jareen, waxaana markaasi ka dib Bakhtigiisa u kala dheereeyay Dad aaminsan caado-dhaqameedka ay ka mid tahay in guriga la dhigo Harag Waraabe ama Qofka qaata aanay u soo dhawaan Jinka iyo wax kasta oo la xumeystaa.

Dadka Xaafadda Cabbaaye oo isugu jiray Rag, dhallinyaro iyo Haween, ayaa midba dhan qabsaday Bakhtigii Waraabaha, si uu uga goosto qayb ka  mid ah Haraggiisa, halka Dadkii aan soo gaadhin ee laga hor-dhameeyay Haragga Waraabahaasi, ay ka iibsadeen qaar ka mid ah dhallinyaradii ku guuleystay inay Haragga Waraabaha badh ka helaan.

Qaar ka mid ah Dadkii wax ka goostay Haragga Waraabaha oo u Warramay Telefiishanka HCTV, ayaa tafaasiil ka bixiyey waxa ku kellifay inay Haragga Waraabe bakhtiyey goo-goostaan, “Saaka (Shalay) Culimo badan baa nagu tidhi iska daaya oo ha goosanina Haragga Waraabaha Bakhtiyey, laakiin Dheg umaanu dhigin ee waanu Goo-goosanay (Haraggiisa). Anigu Qof baan ka iibiyey oo Shan Kun baan ka siiyey. Dadka qaarkoodna Lugaha Waraabaha waxay ku goosteen Faash..”ayuu yidhi, mid ka mid ah Dhalinyaradii ugu horeeyay ee bilaabay googeynta Haragga Waraabaha.

Mid ka mid ah Dhallinyarada Xaafadda Cabbaaye ee Waalidkiisu wax ka goostay Haragga Waraabahaasi, ayaa isaguna yidhi, “Markii u horeysay waa la isku haystay oo Dadku waxay lahaayeen Sanka Waraabaha, Sankiina waxa goosatay Islaan Aniga ii Ayey ah oo Aabahay dhashay. Haddana waxa la goo-goostay Dhagahii iyo Haraggii. Waxaan waydiiyey Gabadh sidatay Diirta Waraabaha wuxuu Faa’iido leeyahay, waxay iigu jawaabtay Hablaha uu Jinku galo Jin Dambe is-arki maayaan.”

Nin kale oo ka mid ah Dadkii halkaa lagaga iibiyey qayb ka mid ah Haragga, ayaa sheegay in sababta uu u iibsaday tahay inuu u xidhayo Hablo ka baxsanaya, “Inyar oo Harag ah, ayaa la igaga iibiyey Lacag Shan Doollar ku dhow, Waayo? Waxaan arkay Magaalada oo isku leynaysa oo leh guriga Haragga Waraabaha la saaro Jinku hortiisaba ma imanayo, Aniguna waxaan is leeyahay u xidh Hablo yaryar oo yaacaya (baxsanaya), maxaa yeelay marka loo xidho halkaa kama dhaqaaqayaan..”ayuu yidhi.

Dhowr ka mid ah Culimada Xaafadda Cabbaaye oo iyaguna Telefiishanka HCTV la hadlay, ayaa sheegay in Cidda keliya ee la magan galaa tahay ILAAHAY (SW), sidaa daraadeed ay khalad tahay in Dadka Reer Somaliland ilaa hadda ku dhegsan yihiin Caado dhaqameed tani ka mid tahay.

Halkan Hoose Ka Daawo Waraabihii Oo La qalayo Iyo Haragisii Oo Lakala Boobayo

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews