Xisbiga Kulmiye Oo WADDANI Ku Eedeeyay Inuu Ka Soo Horjeedo Horumarka Dalka, Kuna Xidhiidhiyey Soomaaliya
May 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo dhaweeyay Heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Caalamiga ah ee DP World ku wada gaadheen Maal-gelinta Dekedda Berbera.
Mujaahid Kaahin oo Shalay Saxaafadda ugu warramay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Cambaareyn uu Toddobaadkii hore Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed uu Xukuumadda ugu jeediyay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee ay la saxeexatay Shirkadda DP World, waxaanu sheegay in hadalka Axmed Muumin Seed uu caddayn u yahay in Xisbiga WADDANI uu ka xun yahay Horumar Somaliland gaadho, isagoo tilmaamay in Hadalka Guddoomiye ku-xigeenka WADDANI uu la mid yahay hadal Cadaawadi hageysay oo Dawladda Soomaaliya kaga hadashay Heshiiskaasi.