berberatoday.com
XOG KU SAABSAN IBRAAHIM IIDLE SALEEBAAN OO LOO MAGACAABAY GUDOOMIYA MAXAKAMADDA SARRE EE QARANKA SOOMAALIYEED;
May 16, 2016 - Written by Berbera Today

Maalinkii shalay ee taariikhdu ahayd 4tii Maayo 2016, waxaa madaxwaynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sh. Maxamuud xilkii uu qaranka u hayay ka qaaday, Abuukaate Caydiid Cabdillaahi (ilka xanaf), oo ahaa gudoomiyihii maxakamadda sarre, waxa kale oo isla shalay madaxwaynuhu u magacaabay gudoomiyaha maxakamadda sarre, Ibraahin Iidle Saleebaan oo maalinkii shalay kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxa madaxwaynuhu faray in isla shalay gudoomiyihii xilka laga qaaday xilwareejin buuxda sameeyo, iyada oo aan la sugin in golaha baarlamaanku ku raacidoono xilka qaadista iyo inkale. Waxa isla shalay madaxwaynuhu faray in loo dhaariyo xilka gudoomiyaha maxakamadda sare, Ibraahim Iidle Saleebaan iyadoo aan la sugin in golaha baarlamaanka soomaaliya ku raacidoono oo u codayn doono iyo inkale.
Waxa iswaydiin mudan, waa kuma Ibraahin Iidle Saleebaan?, aqoontiisu maxay tahay?, xagee kasoo shaqeeyey?, ma leeyahay khibrad shaqo oo uu ku hanan karo xilkan culus oo ah udubka sadexaad ee dowlada?, waa kuwee ururada islaamiga (isku magacaaba) ee uu xubin kasoo ahaa?, maxaa lagu doortay xiligan inuu qabto xilka gudoomiyaha maxakamada sarre?, Madaxwaynaha Xasan Sh. Maxamuud si qof-ahaaneed ma isu garanayaan mise cidkale oo qorshe kale wadata ayaa ku qancisay, kana dhaadhicisay inuu xilkaa u magacaabo Ibraahim oo xiligan kala guurka ah uu maslaxadooda gaarka ah ka shaqayndoono?, yaa u ololeynayey?.
Sida degdega ah ee arimahaa aan soo sheegnay u dhaceen, waxay igu dhalisay inaan xog dheeraada raadiyo si aan suaalahaa kor kusheegan jawaab ugu hello. Waxaan ilaa shalay isku deyay in aan la xariiro cidkasta oo garanaysa, ama wadashaqayni dhexmartay, waxaan booqday dhamaan data base-yada aan gaari karo ee bulshadda caalamku ku ururiyaan ama iskuwaydaarsadaaan xogaha xasaasiga ah ee laxiriira xagjirnimada, argagixisada, burcad-badeedda iyo denmiyada. Xogtii aan hellay oo aan aad iyo aad usoo koobay waa tan, waxaanse aqristayaasha gadaal ugusoo gudbindoonaa xogahaa oo faahfaahsan:
Ibraahin oo magaca loo yaqaanay ahaa Keyse waxa uu ku dhashay miyiga degmadda Ceel-af-wayn ee gobolka Sanaag, xiliga uu dhashay waxaa la qiyaasayaa inuu ahaa sanadkii 1965 qoyskooda oo reer guuraa ahaa awgeed waxa uu ku barbaaray miyiga degmadaa ilaa intii uu ka gaarayay 26 jir. Nasiib uma helin waxbarashadda aasaasiga ah (hoose iyo dhexe) iyo ta sare midna. Waxa la keenay degmada Ceel-af-wayn isagoo xanuunsanaya si loogu daweeyo horaantii 1991 kii kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya. Waxa qaraabadiisu sheegeen inuu laba jeer ku dhacay xanuunka qulubka la dhaho. Kadib markii la daweeyey oo uu ladnaaday waxa uu bilaabay waxbarashadiisii ugu horaysay, waxa uu masaajidadda magaalada Ceel-af-wayn iyo Ceerigaabo (xiliyadda qaarkood), ka baran jiray carabidda iyo diinta, xiliyada qaarkoodna waxa uu u bixi jiray miyiga hadba meesha reerkoodu u guuro. Waxaa macalimiintiisa ka mid ahaa Maxamed Cali Biixi oo ah wadaad ceerigaabo degan (hadana maamulka Somaliland xaaskiisa u haysto inay argagixisada u ururinaysay lacago taakulo ah), Waxa Keyse uu ku biiray ururkii al-itixaad al-islaami, gabagabadii sanadkii 1992, waxa loo diray dalka Suudaan, magaaladda Khartuum, waxa uu samaystay shahaadaddii dugsiga sarre ee Soomaaliya oo foojari (been abuur) ah, si uu jaamacad u geli karo, waxa uu galay jaamacad la dhaho; Jaamacat Al-ifriiqiya Al-caalamiya, oo kamida kuwii uu sameeyay kacaankii Suudaan ka jiray xiligaa ee Sheekh Xasan Al-turaabi hogaaminayay, waxa uu bartay shareecadda. Sida dukumentiyadda qaar ku qoran waxa uu xiligii uu Suudaan joogay ku biiray ururkii Al-qaacido ee uu hogaaminayay Usama Bin Ladin oo waqtigaa fadhigiisu ahaa magaaladda Khartuum. Sida riboodhada qaar ku qoran, ururkaasi waa uu tababaray, waxana si gaara loogu tababaray xirfadaha la xiriira basaasidda iyo sahaminta goobaha muhiimka ah. Waxa kale oo reboodhada qaar magacaabayaan rag kale oo xilal waawayn kasoo qabtay Somaliland iyo Soomaaliya ama ganacsadeyaal waawayn ah oo wadashaqayn urur ka dhaxaysay (iyagana xiliga munaasibka ah ayaan xogtooda soo gudbin doonaa). Keyse waxa loo tababaray inuu isu ekeysiinkaro culimadda suufiyada oo aan iyaga marnaba looga shakiyin xagjirnimo ama argagixiso, waxa uu sidan jiray canjalado nebi-amaan ah oo ay leeyihiin suufiyada Suudaan. Waxa Keyse uu kasoo tegay Suudaan sanadkii 1997 gabagabadiisii, wuxuu ku soo noqday goboladda woqooyi, gaar ahaan Sanaag. Keyse waxa uu bedeley magiciisii oo ahaa Keyse, waxana uu la baxay Ibraahim, oo ah magaca hadda loo yaqaan. Ibraahim, wuxuu tegay dalka imaaraadka carabta kadib markii nin ay walaalo yihiin oo ka waynaa uu u gaday ciqaamadda wadanka imaaraadka si uu uga xoogsado, waxyarse kadib waxa uu u duulay wadanka Tanzania, gaar ahaan magaalada Daarasalaam, isaga oo asxaabtiisa u sheegay inuu rabo in uu afka ingiriisiga kasoo barto, mudo yar kadib waxa la qarxiyay labada safaaradood ee maraykanku ku leeyahay magaalooyinka Nairobi iyo Darasalam. Xiligaa waxa soo baxay war sheegaya in cid Soomaali loo maleeyay ka qaybqaadatay sahaminta safaaradda ku taalay magaaladda Darasalam, waxana la xirxiray rag Soomaali ah, inkasta oo mudo yar kadib la siidaayay. Ibraahim si degdega ayuu uga baxay Tanzania, isagoo dhulka maray, waxa uu tegay Uganda halkaas oo uu joogay mudo dhowr bilood ah, kadib waxa uu u soo gudbay Kenya oo mudo uu joogay, waxa uu ugasii gudbay dalka Ethiopia, waxa uu kusoo laabtay gobolada woqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) sanadkii 2001. Safaradaa dalalka Tanzania, Uganda, Kenya, Ethiopia iyo Somalia uu u kala gudbayay oo dhan waxa uu mari jiray dhulka waxana uu iska ilaalin jiray inuu maro Airports ka. Sanadihii 2001, 2002 iyo 2003, waxa uu hadba ku laaban jiray wadamada bariga Africa isagoo markasta sii mari jiray magaaladda Muqdisho xaga dhulkana ka geli jiray.
Sida ay ii sheegeen abuukaateyaal (lawyers) degan magaalada Hargaysa ee xarunta u ah maamulka Somaliland, waxa sanadkii 2003 maamulka Somaliland u magacaabay garsoore, maxakamada gobolka Togdheer. Waxyarse kadib waxa uu qaatay fasax waxbarasho, wuxuuna u duulay dalka Kenya oo ku xiray mudo saacaddo ah Airport ka Nairobi kadibna dib ugu celiyay Soomaaliya. Waxa uu Ibraahim markale isku deyey inuu dhulka ka galo waxase laga celiyay xadka. Waxa uu ku laabtay Hargaysa, oo ilaa iyo 2011 uu ku shaqaynayay abuukaate ama lawyer. Dhamaan dadka aan waraystay ee garsoorka Somaliland ka shaqeeya ama kasoo shaqeeyay iyo kuwa abuukaate ku shaqeeyaba waxa ay isku raaceen in Ibraahin cidkasta oo argagixiso u xiran ama lagu soo eedeeyo uu difaaci jiray oo abuukaate ama lawyer difaaca u ahaa, iyada oo aan la aqoon cida u xilsaartay ama meesha qidmadiisa laga siiyo. Dadka uu abuukaataha u ahaa badankooda aqoon shaqsi kama dhaxayn, eheladooduna lama soo xiriirin, cida u xilsaartay waxa saaxiibadiisa abuukaateyaalka ahi aaminsanyihiin inuu wakiil sharci u ahaa cida ay eedaysanayaashaasi ka tirsanaayeen.
Masuuliyiin sare oo ka tirsan Somaliland oo aan la xiriiray waxay ii sheegeen in sanadkii 2010, Ibraahim loo magacaabay lataliyaha arimaha sharciga ee madaxwaynaha Somaliland, maalin kadibna lagala noqday warqadii magacaabida, iyadoo sababtu ahayd sirdoonka Somaliland oo madaxtooyada u soo gudbiyay xogo ka qarsoonaa madaxwaynaha oo xiligaa ku cusbaa xilka. Waxa markale 2 July 2011 loo magacaabay garyaqaanka guud oo sida la ii sheegay ahaa xafiis aan jirin oo la rabay in la aasaaso, xiligaa waxa magacaabistaa saluug wayn ka muujiyay, xildhibaanada badankooda iyo madaxda kale ee Somaliland iyo aqoonyahanada kale ee u dhuun daloola arimaha Somaliland, waxana arimahaa wax ka qoray war-baahinta Somaliland. Xiligaa magacaabitiisa waxa u ololeeyay, wasiirkii madaxtooyada ee xiligaa Xirsi, oo ay ahaayeen saaxiibo aad isugu dhow, lana aaminsan yahay inay isku koox yihiin, marar dhowrana la doonay xilka gudoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland.
December, 2015, kadib markii saaxiibadii xukuumada Somaliland iska casileen, waxa Ibraahim uu qaatay fasax lagu magacaabay “fasax waxbarasho”, waxa uu tegey magaalada Nairobi, Kenya, waxa uu watey baasaboor Jabuuti ah, waxa uu safaaradda South Africa ka dalbaday dhowr jeer visa (dal-ku-gal), Safaaradu waa u diiday dal-ku-galkii, ugu danbayntii waxa ay fareen hadii uu rabo inuu visa South Africa helo inuu Safaaradooda Addis Ababa tago oo ka dalbado visa. Ibraahin waa ka baqay inuu tago dalka Ethiopia mana tegin meel kale, afartii bilood ee tegey waxa uu joogay Nairobi.
Dukumentiyada aan aqriyay qaar waxay sheegayaan in Ibraahin ay isku xiran yihiin koox ururwaynaha al-qaacido ku xirantay mudo ka hor intaan la aasaasin urunka al-shabaab, kooxdaa oo had iyo goor isku deyda in ay xilal laf-dhabar u ah dowladnimada ka qabtaan Somaliland iyo Soomaaliya, xiliyada qaarna waa ku guulaysteen inay xilal waawayn ka qabtaan labadaba (gadaal ayaan ka sheegi doonaa). Kooxdaas oo ay ku jiraan ganacsato gaar ahaan dhinaca Somaliland lana tuhunsanyahay meesha hantidaasi katimi, waxa ay aad iyo aad isugu dayeen in Ibraahin ay u raadiyaan xilka gudoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland waase ku guuldaraysteen, sababtuna waxay ahayd xogaha sirdoonka Somaliland ka hayo oo aan saamaxayn in ciddaas oo kale loo magacaabo xilkaa. Xogtu waxay oranaysaa waa koox had iyo goor dhaqaale badan ku bixisa kuna dadaasha in xubnahooda kuwa ay ugu talagaleen in ay dowladaha ka dhexshaqeeyaan loo aqoonsado siyaasiyiin wax hogaamin kara ama masuuliyiin qaran, si xubnahooda kalena ay difaac hore ugu noqonkaraan, waxkasta oo xukuumadahaa kaga xirana si degdega ugasoo fududaynkaraan, waana dhacday in waxbadan (oo halkan aan lagu faahfaahin karayn) ay u suurtogalaan. Xogaha laga helayo dadka taageera ururka al-shabaab ee jooga magaalooyinka Burco, Hargaysa iyo Ceerigaabo ayaa tilmaamaya in xilka Ibraahim loo magacaabay ay aad ugu farxeen una arkeen in loo ilduufay wax wayn arintaasi u tari doonto.
Ugu danbayn sida ay ii sheegeen masuuliyiin ku dhowdhow madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, madaxwaynaha iyo Ibraahim wax aqoon hore ahi kama dhaxayn, waxaase ay ii xaqiijiyeen in magacaabidda Ibraahin qaybwayn uu ka qaatay, wasiirka dekedaha, mudane Nuur Faarax oo ay Ibraahim isku reer ka soo jeedaan, kooxda aan hore uga waramayna ay kawada tirsanyihiin. Waxa wasiirka dekedaha intaa u sii dheer, wuxuu isagu ka mid ahaa aasaasayaashii ururka al-shabaab, waxana uu uga masuul ahaa arimaha siyaasada iyo qabaa’ilka ee Somaliland, ilaa hadana lama garanayo meel uu kaga baxay, waana wasiirka dekedaha ee hadda xilka haya, taasiba waa arin u baahan in la iswaydiiyo sida ay u dhacday. Waxa intaa dheer, sida ay ii sheegeen saaxiibadiisa ay isugu dhawyihiin, Ibraahin ilaa hadda waxbarashiidu waa shahaadadda layiraahdo Bachelor oo wax ka horeeyey iyo wax ka danbeeyay midna aysan jirin. Afka carabiga oo uu wax ku bartay si fiican uguma hadli karo, afka ingiriisiguna waa ku adagyahay, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay qof aad u fudud oo aan hubsiino badan lahayn, fahamka nuxurka aqoonta sharciguna ay ku yartahay, waxaa lagu tilmaamaa nin aan isku kalsoonayn oo had iyo goor isku kaba raaligelinta madaxda ka saraysa.
Aqristeyaasha waa mahadsanyihiin, intaasi waa xogtii aan ururinay oo aan soo koobnay. Waxaan maqaalo kale ku falanqayndoonaa xogahaa aan soo koobnay oo faahfaahsan hadii alle qadaro. La soco….
Prof. Cabdi Cali Axmed
London, England Email: cilmi01@yahoo.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews