berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Dhacdooyin Ku Lammaanaa Socdaalladii Madaxweynaha Ee Djibouti Ilaa Dubai
May 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo sheegay in heshiis culus lala soo galay shirkaddo ka mida shirkadaha ugu waa weyn dunida dhinaca dekedaha, taasoo ay ummadda uga soo kordhi doonto faa’iidooyin tiro badan, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Dalka Teywaan, waa dal yar bed ahaana Somaliland le’eg, lamana aqoonsana, waxaanu noqday dhinaca dhaqaalaha dalalka ugu buuran uguna awood badan dhaqaale ahaan,  waxaanu noqday dalka 18aad ee adduunka ugu dhaqaalaha roon”.

Wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna khudbad dhinacyo badan taabanaysa kaga warramay ujeeddada safarkan u dambeeyay ee heshiisku ku dhaxmaray isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland, kaas oo uu ku sifeeyey mid waxtar ballaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland, gaar ahaan iyo mandaqada Barriga Afrika guud ahaan.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxaanu soo galnay heshiis taariikhiya oo midhihiisu faa’iido badan u leeyihiin dalka iyo dadka Somaliland, kana mid tahay shaqo abuur gaar ahaana dhalinyaradu, kuwooda waxbartay iyo kuwa kaleba ay manaafacaadsan doonaan, dhinacyo kala duwan oo kalena wax ka qabanaya, sida Beeraha, ganacsiga, xoollaha, kalluunka, Shaqaalaha iyo wixii la mid ah”.

Wasiirka Madaxtooyadu, waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dawladda imaaraadka Carabtu waxay qayb laxaad leh ka qaadanaysaa jidka dheer ee isku xidhaya Berbera iyo Togwajaale, oo ah mid aad u dheer, markuu hirgalana noqonaya marin ganacsi oo ay waddaagaan dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, noqonayana marinka quudinaya dadweynaha tirada badan ee boqolka milyuun ku dhaw ee Itoobiya. Dekedda saddex weji oo kala danbeeya ayaa loo dhisi doona maamulkeeduna wuxuu u qaybsanaan doonaa dawladda Somaliland iyo shirkadda weyn ee DP World iyadoo mid waliba qaybta ay leedahay maamulka iyo waxa ka soo baxaba uu heshiiska ku cad yahay”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa jawaabo ka bixiyey arrimo ku lammaana wufuudii Madaxweynuhu hogaaminayey ee socdaallada ku kala tagey Waddamada Djibouti iyo Dubai oo ay warbaahintu wax ka weydiisay.

Arrimahaasi oo kala ahaa in weftigii Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayey ee ka qaybgalay caleemo saarkii madaxweynaha Djibouti, inaan la siin meeqaamkii uu lahaa iyo ujeedada kulankii weftigii Madaxweynuhu la yeeshay ganacsade Cabdiraxmaan Boore iyo waliba wararka sheegaya in xuska sanadguurada 25aad ee aasaaska qaranimada Somaliland lagu martiqaadayo madax xilal sare ka soo qabtay Soomaaliya.

Wasiirka oo ka jawaabaya qaabkayaa waxa uu yidhi “Marka ugu horreysa, Madaxweynaha iyo weftigiisu ma caban, warbaahintana kama hadal oo ma odhan si maamuus darro ah ayaa lanoo soo dhaweeyey, haddii dawladuhu wax ku kala tirsadan maamuuska iyo xurmadda, darriiq ayey u maraan, waxaanay ku xalliyaan darriiq dublamaasiyadeed, warbaahintana layskuma mariyo, waan ka xumahay run ahaantii, Wasaarad Arrimaha Dibada ayaa xukuumadda iyo Madaxweynaha u qaabilsan inay cabatin ka bixiso arrimaha noocaasi ah, waanu saxaynaa, nidaamkayaga dawladeed”.

Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey ujeedada kulankii Ina Boore iyo Weftigii Madaxweynaha “Cabdiraxmaan Boore, waa nin ganacsade Soomaaliyeed oo weyn ah, Madaxweynaha iyo Weftigayaga waxa uu ugu yimid barriido, heshiisna lamaanu galin ina Boore, wax xidhiidh ah oo gaar ah lama lihin”.

Wasiirku waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay in xuska 18-ka May lagu casuumayo Sh. Shariif iyo Cabdiraxmaan Farroole “Waxaan maqlayaa in la leeyahay waxa la casuumayaa Sh. Shariif iyo Cabdiraxmaan Farroole, arrimaha noocaasi ahna waxba kama jiraan”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews