berberatoday.com
Askari Ka Tirsan Booliiska Somaliland Oo Dablay Hubeysan Ku Dhaawaceen Hargeysa
May 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa xaqiijiyey in Hawl-gelo ay Xalay ka sameeyeen Afar Goobood oo ku yaalla Hargeysa ku soo qabteen Laba Nin.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Somaliland Faysal Xiis oo galabta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Hawl-galka lagu soo qabtay labada Nin uu ku dhaawacmay Askari Sarkaal xigeen ah oo ka tirsan Booliiska.

Afhayeenka Booliiska Somaliland, oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Ciidanka Booliisku waxay Xalay hawl-gelo ballaadhan ka fuliyeen ilaa Afar Goobood, Nasiib Wanaagsan Saddex goobood oo ka mid ah sidii la rabay ayaa loogu guuleystay.”

News

Faysal Xiis, waxa uu sheegay in Goob ka mid ah Goobaha laga fuliyey Hawl-galada uu ku dhaawacmay Sarkaal Boolis ahi, “Mid ka mid ah Goobaha laga fuliyey Hawl-gallada waxa laga fuliyey Nin Sarkaal Xigeen ah oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Somaliland, waxaana soo gaadhay dhaawac fudud, waxaana imika lagu daweynayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Ciidankuna waxay Gacanta ku dhigeen Ninkii dhaawacaa u geystay Askariga iyo Nin kale oo la joogay, Kiiskoodana waa la baadhayaa oo Maxkamadda ayaa loo gudbinayaa.”

 Afhayeenka Booliisku ma faahfaahin falka ay gacmaha kula jireen labada Nin ee Booliisku qab-qabtay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews