Doorkii CIA ku lahayd xadhigga Hoggaamiyihii Koonfur Afrika Nelson Mandela
May 17, 2016 - Written by Berbera Today
Washingtone(Berberatoday.com)-Basaas u shaqeyn jiray laanta sirdoonka mareykanka,CIA ayaa qirtay in xog uu siiyay booliiska Koonfur Afrika ee xilligii cadaanku dalka xukumay ay horseeday in la xidho Nelson Mandela oo uu 27 sano ku jiray jeelka.
Arrinta oo uu daboolka ka qaaday wargayska Sunday Times, wax yar uun ka hor dhimashadii Donald Rickard oo sirdoonka Mareykanka ka tirsanaa waxay xaqiijineysaa shakigii mudada dheer laga qabay in sirdoonka Maraykanku uu ku raadjoogay Mandela oo markii dambe noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Madaw ah ee dalka south africa..