berberatoday.com
Mashruuca Wareejinta Dekeda Berbera Weli shacabka reer Somaliland uma hayaan xaqiiqaad ay falkiyaan ,fahmaan oo ku xasilaan. qalinkii A/fidhinle UK‏
May 17, 2016 - Written by Berbera Today
Ma Weecsin iyo Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !!   Ma Qataabsi  Mise Qurbaani…Mise Qadhaabsi iyo  Qudh-Qudho joogto?  Ma midigays iyo Oodeys !  Mise Gown iyo irbad uun !!  Boowe …Malaa….Waa Qaliban !!  Mise ..Waaba Suke !  Malaa ..Waa Doolar raadin iyo Dirham-quud !!  Mise Xaalku waa  Doog dhabasho iyo Doogsin carar  !!  intaasina  waa iga arar afmaldhaheed ….ee Boowe ! bal aan hoos u soo dego !!
Kuy’e  Deked cusub oo 440 mitir ah ayaa laynoo dhisayaa oo hadii isticmaalkaa tii hore iyo ta cusub ee 440 mitir ahi gaadho 75% waa laynoo sii balaadhiniyaa .insha-allah !
Kuy’e  Baleysinka Ujeedada Heshiisku waa dhismaha Wadada Berbera Corridor iyo Ganacsigeena oo Eithopia iyo Africa ku xidhma.  Waa arin wanaagsan haduu hirgalo !
Kuy’e  Bud-dhiga Heshiisku waa Dayactirka iyo Balaadhinta Dekeda Berbera, Horumarinta Dalxiiska iyo Hotelo 5 Star ah oo la bineeyo.  Waanu soo dhaweyneynaa !
Kuy’e  Waxaa intaa Weliba sii dheer Horumarinta Dhinca Beeraha , Horumarinta Tamarta iyo Korontada. Waa jawi shaqo abuur oo loo baahnaa oo  Allaa Mahadaa leh !
Kuy’e  Shirkadda DP World waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dhan 30 Sannadood ah,
Kuye’  Inagu waxaynu Shirkada DPW kula shuraakoobaynaa waxaynu haysano oo ah % 35 inta kalena iyadaa leh.
Kuy’e  Shirkaddu waxay galinaysaa dekeda Berbera cadad lacag dhan 430 malyan oo Dollar.
Kuy’e  Shirkadu $230 Million ayey deg deg Dekeda u gelinaysaa si ay Dekeda u balaadhiso oo ugu darto ilaa 440 mitir oo kale.
Kuye  Shirkadu iyadaa maangashanaysa Dekeda oo ilaa Free Zone ka ay dhisi doonto maamulkeeda iyo maareyntoodaba loo dabo fadhiisanayaa.
  a) 10-ka  Sanadood ee ugu horeeya waxay shirkaddu dekeda berbera galin doontaa lacag dhan 10 Malyan oo Dollar.
  b)  10-ka  sanno ee hore shirkadu waxay Somaliland siindoontaa 25% dakhliga ka soo xarooda dekeda, 75% hadhayna shirkadaa qaadan doonta.
  c)  20-ka  Sanno ee ku xigana hadii ay barwaaqoowdo waynu kala qaybsan doonaa dakhliga ka soo xarooda dekeda hadii ay suuq fiican hesho.
  d)  10ka  sanno ee hore hadii dekedu isku bixin waydo shirkaddu waxay ka baxaysaa heshiiska oo way iska tegaysaa.
  e)  15 Million oo xaqul qalin ah ayaanu qalinka ku duugnay , taasoo  $10 million oo ka mid ahi ay khasnada dawlada ku dhici doonaan $5 milliona Tagag lagu iibindoono
 Shacabka reer Somaliland uma arkaan Wareejinta Dekeda Berbera ” Win Win Situation ”  ee waxay u arkaan in shirkad macaash doon ihi ” Profit seeking company ” ay dhitadoodi yareyd iyo dhaqaalahoodiiba  afka u dhigatay, shaqsiyaad gaar ahina dano shaqsi ah oo gaar ah ay ku wataan.
   Hadaba Su’aalaha shacab weynuha reer Somaliland  isweydiinaayo ayaa ah kuwan hoose  -:
 
1-   Maadaama Xeerarkii Maangashiga iyo maareynta hantida maguuraanka ah ee dalku ay wada qabyo yihiin side mashruucan balaadhan loo maareynayaa?
2-   Hadii aanu mad-madow ku jirin heshiiskan maxay Madaxdii xukuumada ee ka hadashay heshiiska ay isku af ugu hadliwaayeen ?
3-   Maxay Xukuumadu istiraajiyad Siyaasadeed oo wacyigelineed uga yeelan wayday Maal-gelinta Siyaasadeed ee Qaranka ?
4–  Maxay u cadeyn weyday oo tooshka ugu shidiweyday nuxurka heshiiskan ka danbeeya iyo shaqo abuurka ku lingaxan ?
5-   Ma la hor keeni doona nuxurka heshiiskani xanbaarsan yahay Golaha Baarlamaanka si ay unaaqishaan oo shahaadad maalgashi u siiyaan shirkada ?
6-   Heshiiskani ma isu  dheeli tiran yahay mise waa lakala bursaday? Xaqal qalinka 15 Millionka ahi ma jeebkii  kii Genel enery ku dhacay ayuu isna ku dhici doonaa ?
7 – Mashaariicda daba socda heshiiskan ma shaqsiyaadkii koobnaa ayuun baa meel loogu sii guntay mise Somalilandtu way usinaan doontaa ?
8–  Yeelkeede, Yeelka iyo Weelka lagu maali  doono  ma kooxdii ilma jinni boqor  ayaa lagu sii naaxin doona  mise waa la naadin doonaa?
9-– Yaa kantarooli doona  hantida maalgelinta ee  Mashaariicdaa baaxada leh ?  Goorma  ayey  bilaabmaysaa Maalgelintaasu ?
10– Maadaama uu riski badani ku gedaaman yahay Geeska Afrika , dawalada UAE na aanay inoo ictiraafin dawladnimo buuxda
 Kharaj intee le’eg ayey shirkada DPW dalkeena ku aaminayasaa oo   maalgelinaysaa?
 Horumar soo kordha  lama diidana  ee waxaa la diidan yahay naasnuujin ku soo ururta shaqsiyaad kooban sidii hore u dhacday, waxaana xukuumada looga fidhiyaa in ay sife qodobaysan ugu soo bandhigto mashruucan mushtamaca iyo Goleyaasha Wakiilada ee Somaliland. waana in ay Xukuumadu ka yeelataa machruucan  Siyaasad cad iyo istiraajiyad wacyigelineed oo cokan .Si ay shacabweynaha  reer Somaliland Xaqiiqaad ay falkiyaan oo ku xasilaan uga helaan Mashruucan Baaxada leh.
Waxaa Quluubta Shacanweynaha reer Somaliland ku soo duxaaya Nidaamkii loo maray  shirkadihii badnaa ee la siiyey Liisanka Shidaal baadhista dalka sida  Shirkadihii Genel – Energy iyo DNO kuwaas oo  xaqal qalin laga qaatay oo hawshoodiina loogu dhameeyey gurada xayndaabka madaxtooyada oo aan la soo marin Golihii Baarlamaanka si ay u ansixiyaan oo ay muraadkooda Dastuuriga ah uga gutaan. Hadii ay taasi dib udhacdo iyada oo hada lagu jiro waqti kala guur waa arin khatarteeda leh oo burinaysa xeerarkii iyo Dastuurkii dalka u yaalay.
 Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo  ku caan baxday in ay  laba listo oo maalgashato Dekedo badan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala  ka soo bilow Brazil ilaa iyo China laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawan ka qaaday qaar badan oo mandaqadeena ku yaala sida:
1- Waxay mudo maamuleysay oo ay ku fashilantay Dekeda Baaxada leh ee D-Jabuoti , taas oo ay maxkamado isku saareen Wadanka  ingiriiska caasimadiisa London.
2- Waxay ku fashilantay in ay maamusho oo horumar la taaban karo ay gaadhsiiso  Dekeda Sinigaal  oo ay iyana ragaadisay oo ay  maxkamado isla galeen
3- Waxay ku fashilantay oo ay baabiisay oo qalabkiina ka furatay Dekadii caanka aheynd ee Cadan oo iyana hada Dekedaasi ku danbeysay gabaahiir kaluumeysatadu isticmaasho. Danta guud ee shacabka Somaliland Waxay ku jirtaa in shacabka si qodobaysan loogu  soo bandhigto Xaqiiqaad ay falkiyaan ka dibna fahmaan oo ku xasilaan. .
Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,

Hasha ka irmaan Habaar qabe maal 
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee 
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Oman baa yimiye!!
 
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews