berberatoday.com
Hay’adda IOM Oo Ka Digtay Carwo Lagu Bandhigayo Sawiro Somaliland Wax Loogu Dhimayo Nairobi
May 18, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inaanay ka qaybgalayn carwo sawiro lagu soo bandhigayo oo lagu qabanayo magaalada Torino ee dalka Talyaaniga, islamarkaana sawiradaasi ay ka mid yihiin kuwo aan run ahay oo lagu sheegayo inay Somaliland yihiin.

Qoraalkaas oo dhameystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Hay’adda socdaalka adduunka ee (IOM)  waxay la socodsdiinaysaa Shacabka Somaliland in aanay waxba ka jirin hadallada la isla dhex maraayo ee ku saabsan ka qayb-qaadashada IOM ee la xidhiidha carwada soo-bandhiga sawirada ee ka dhacaysa Torino, Talyaaniga. Sawiradani waxa ay tusayaan kaamam qaxoonti oo aan run ahayn oo ka jira Somaliland, kuwaas oo  loogu tallo galay dadka muhaajiriinta ah.

Mr. Gerard Waite, Madaxa IOM ee xafiiskiisu yahay Nairobi, wuxuu yidhi: “fadlan waxaad  ogaataan in Marwo Su’aad Cumar Sheekh Isaxaaq, gabadha  qabanqaabisay carwada sawirada lagu soo bandhigay, iyadu ay iskeed u soo diyaarsatay iyadoo ah sawirqaade madax bannaan. Marka ay sidan u soo bandhigtayna, waxa ay samaysay hawshan iyadoon ogolaansho ka haysan IOM.  Sidaa darteed sharaxaad kasta iyo xayeysiin kasta oo ay ka bixisay sawirradani ma aha kuwo sinaba u matelaya hay’ada IOM. Hay’adda IOM masuuliyaddeedu waxa weeye in ay ka taageerto dawlada Somaliland iyo dadkeeda waxyaabaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin dhinaca socdaalka iyo isku-socodka. Hay’adda IOM marna iskumay dayin, iskuna  dayi mayso hawlo ay ku dhaawacayso sumcadda dadka reer Somaliland iyo dawladda Somaliland”

Md. Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dib-u-dejinta, Dib-u-habayta iyo Dib-u-dhiska ee Somaliland oo ka hadlaya hay’ada IOM wuxuu yidhi “ Ilaa 2006, IOM waxay si dhaw ula shaqaysay Dawaladda Somaliland si ay u fududayso culayska ay la yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee qulqulaya iyadoo wacyigalin u samaysa; iyadoo fursado shaqo-abuur ah u samaysa meelaha dadku ka imanaayaan iyo halka ay sii dhexmaraayaanba; iyadoo xoojinaysa isla markaana tayaynaysa maaraynta iyo maamulka socdaalka dhinaca xaddadka; iyadoo kor u qaadaysa tayada iyo xirfadaha hay’adaha waddaniga ah, iyadoo ku xoojinaysa xirfadlayda qurbajoogga ah si ay u tabobbaraan shaqaalaha hay’adahaas; iyadoo u fidinaysa caawimo toos ah muhaajiriinta tamarta daran. Hay’adda IOM waxay ficil ku tustay inay wanaag u rajaynayso dadka reer Somaliland, waananu ku kalsoonnahay in wada-shaqaynta iyo xidhiidhku ahaato mid sii socda.”

Wixii intaa ka faahfaahsan, fadlan la xidhiidh:

AF-HAYEENKA IOM EE  KA JAWAABAY WARARKA BEENTA AH EE KU SAABSAN CARWADA LAGU SOO BANDHIGAAYO SAWIRADA EE  KA DHACAAYA TALYAANIGA: Mr. Liban Mohamoud Essa, Saraakiisha Hay’adda IOM Hargeisa  Tel: + 252 571211 +252 63 4457 455 Email:  Imessa@iom.int, Skype; Liban.mohamoud.essa

 

AFHAYEENKA WASAARADA DIB-UDAJINTA EE SOMALILAND EE KA JAWAABAY WARARKA BEENTA AH EE KU SAABSAN CARWADA LAGU SOO BANDHIGAAYO SAWIRADA EE KA DHACAAYA TALYAANIGA: (MRRR): Mr. Adan Abdullahi, Wasiir-ku -igeenka wasaarada dib-u-dejinta:  adandeq2@gmail.com.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews