Shacab Weynaha Reer Berbera Oo Bada Iyo Bariga Ku Dabaal Dagay Munaasibada Xuska 18ka May Iyo Wasiiro Iyo Fanaaniin Kala Qeyb Galay Xuska+Daawo Sawirada
May 18, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Shacabweynaha Reer Berbera iyo Guud ahaan shaqaalaha Haayadaha dawlada iyo Madaxdooda ayaa si balaadhan maanta uga qeyb qaatay xuska Maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka may kuna beegan sanad Guuradii 25aad ama Rubuc Qarni hada maraysa sidoo kale waxa shacab weynaha Reer Berbera kala soo qeyb galay Xuska 18ka may Wasiirada gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami Qorsheynta Cali Shoonbe Iyo wasiir Kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer) wasiiradan ayaa shacabka reer Berbera iyo madaxdoodaba ugu hambalyeeyay Xuska Munaasibada 18ka may iyaga oo xusay inay salaana uga sida Madaxweynaha qaranka somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(siilanyo)