berberatoday.com
Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Ka Hadley Xad Gudubyo Ay Madbacadaha Somaliland Ku Sameeyaan Kibtaabyada Quraanka Kariimka Ah
May 19, 2016 - Written by Berbera Today

Daa,uud Axmed FaaraxHargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland Md Da’ud Axmed Faarax, ayaa  sheegay inuu qishka imtixaanaadka shahaadiga ahi heerkii ugu sarraysay marayo gebi ahaanba Somaliland, waxana uu tilmaamay in dagaal lagu qaadi doono sidii sanadkan loo yarayn lahaa caadadan oo ardayda kusoo badanaysa.

Guddoomiye Daa’uud oo la hadlayey ardayda sanadkan ka baxaysa dugsiga saree e Faarax Oomaar, ayaa qishka caadada u noqday ardayda si gaar ah ugu eedeeyey masuuliyiinta goobaha wax lagu daabaco, kuwaas oo uu sheegay inay xataa ku xad-gudbeen aayaadka qur’aanka eek u sugan kitaabka EEBE, “Nimanka madbacadaha haysta waxa ay diyaariyeen oo ay meel dhigeen tobankii maaddo ee la dhigayey iyagoo googo’an macal kitaabkii ayey meel dhigeen si ay ardayda uga iibiyaan.” Ayuu yidhi guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay aayado qur’aanka kamid ah oo masuuliyiinta goobaha wax daabacaa gaar gaar u daabaceen, waxana uu ardayda uga  digay inay qoraalka aayadahaas iibsadaan, waxana uu yidhi, “Kitaabkii quraanka oo suurad suurad loo googooyey ayaan indhahayga ku arkay waliba anigaa indhahayga ku arkay, fadlan kitaabka la googooyey ha isku qaadanina waxba keeni maysaane, imtixaankuna wuu jilicsan yahay, laakiin qishka sanadkan waanu la dagaalaymaynaa”

Daa’uud Axmed Faarax waxa uu sheegay in sanadkan arday kasta oo lagu qabto qishka imtixaanku uu waayi doono dhammaanba maadooyinka uu u fadhiisto imtixaankooda,“Sanadkan wareegtuu wasiirku soo saaray ah in ardaygii qis sameeya laga baabi’iyo dhammaanba imtixaankiisa” ayuu yidhi guddoomiye Daa’uud.

Somaliland muddooyinkii ugu dambeeyey waxa kusoo badanayey qishka imtixaanaadka shahaadiga ah oo aan hore sidaas xadhkaha u goosan, waxana la aaminsan yahay inay technology-yada casriga ahi qaybta ugu weyn ku leedahay sababaha keena in ardaydu qishka  caadaystaan.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews