Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Sife Sharciyada Baalmarsan Shaqadii Kaga Joojiyey Guuleed Axmed Jaamac Oo Ah Qareen U Dooda Xuquuqal Iinsaanka Iyo Ururada U Dooda Xuquuqda Insaanka Oo Ugu Baaqay In Wasiirku Ka Noqdo Go’aanka Shaqo Joojinta Ah
May 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Somaliland waa inuu ka noqdaa go’aanka uu ruqsadii kaga qaaday Guleid Ahmed Jama oo ah qareen u dooda xuquuqda adaanaha. Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay ururka caalamiga ah ee difaaca dadka u dooda xuquuqal insaanka, East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project.
16kii May 2016, waxa la qaybiyay waraaq ka soo baxday Wasiirka Caddaalada oo ka codsanaysa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu ka qaado ruqsadda qareenimo Guleid Ahmed Jama. Guleid waa difaace xuquuqal insaan oo caan ah islamarkaana waa gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ah urur hormood ah oo u dooda xuquuqda aadanaha oo saldhigiisu yahay Hargeysa.