berberatoday.com
Xaflada Xuska Sanad Guurada 25 Ee Ka Soo Wareegtay Gooni Isu Taga Somaliland Oo Xalay Lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada(Sawirro)
May 19, 2016 - Written by Berbera Today

Siilanyo oo caruur salaamayaHargeysa(Berberatoday.com)-Sannad guuradda 25 ee la soo noqoshada Madax-banaanida Qaranka Somaliland, oo ilaa shalay iyo xalay si balaadhan looga xusaayey guud ahaan dalka gudihiisa iyo dibediisaba ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh maxamed Jirde, waxa ay xalay sidii caadada u ahayd xaflad casho sharaf ah qasriga Madaxtooyada Somaliland ugu sameeyeen guud ahaan ka soo qaybgalayaashii iyo hawl-wadeenadii kala duwanaa ee sida muga iyo miisaanka leh uga dhex muuqday qaban qaabada xuska ka soo wareegay rubuc qarni markii qarankani uu dib u hantay, xornimo god kaga dhacday, oo lagula hungoobay, midnimadii beenawday ee shanta Soomaaliyeed.

10-9-600x400

Xaflada xalay oo ahayd mid qiimo gaara u leh qaranka iyo Madaxweynihiisaba ayaa si qurux badan oo bilic iyo hanaan wanaagsani ku dheehan yahay waxa uga dhacday goob cusub oo aad loo qurxiyey, si weyna ay uga qaybqaateen Wasiirka Madaxtooyada, Wasiiru-dawlaha Madaxooyada, Agaasimaha Guud ee madaxtooyada iyo Dhammaan hawl-wadeena madaxtooyada ee kala duwani.

Ugu horaynba waxa xaflada furay Xoghayaha golaha wasiirada, Mudane Sharmarke Geelle, oo ku soo dhaweeyey sida sunaha islaamku jideeyey kalaamka Alle lagu bilaabo munaasibadaha ay ku kulmaan muslimiintu, waxana xaflada qur’aan ku furay laguna soo dhaweeyey ku xigeenka Habmaamuuska madaxtooyada Mudane Caydaruus Mahdi Xaashi, kadibna waxa codbaahiyaha la wareegay daadihiyaha xaflada Mr Sharmake oo ku soo dhaweeyey wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, isagoo ku hadlay afka gudida qaban qaabada ee 18-May uu madaxweynuhu u saaray, ka dibna waxa uu ku soo dhaweeyey madaxweyanah qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo, shacbiga Somaliland mar kale hambalyo u diray, ugana mahadnaqay sidii qiimaha lahayd ee ay uga qabqaateen isu soo baxa 18 May oo ah maalin ay shacbiga Somaliland muujiyaan sida ay ugu faraxsan yihiin uguna qanacsan yihiin inay heleen wixii ay dhiigooda iyo dhuxooda u shubeen, dhidibadana ay ugu taageen calankaa karaamada iyo Tawxiidka Alle ku xardhan yahay.

Waxaanu madaxweynuhu u mahad-naqay martida ka soo qayb gashay xuska munaasibada 18 May, ee ka socda Waddamada Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Turkiga, iyo Wefti Caalami ah oo ka socday Golaha Deegaanka ee Cardiff ooh ore iyagu u badheedhay inay cod dheer ugu codeeyaan caalamkana ugu bandhigaan inay Somaliland tahay dal dhamaystiray haykalkii dawladnimo lana joogo xiligii la aqoonsan lahaa. Madaxweynuhu waxa uu si gaara ugu mahad-celiyey dublomaasiyiinta kala duwan ee madasha ka soo qayb galay.

Masrax si qiimo badan looga shaqeeyey ayaa waxaa lagu soo bandhigayo qayba kala gadisan ee fanka Dhaanto, Saylici, Ceerigaabawi, heeso ka turjumaya qarinimada Somaliland, gabayo iyo buraanbur xiiso badan.

2-51-600x4003-39-600x4004-31-600x4005-30-600x4006-24-600x4007-22-600x4008-16-600x4009-12-600x40010-9-600x40011-11-600x40012-5-600x400

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews