Daawo Muuqalka”Gudoomiyaha Beelaha Axmed Xasan(Dhogori)Iyo Gaashaan Buurtooda Oo Beeniyay Inaanu Lahayn Facebook Magaciisa Lagu Samaystay Oo Bulshada Iyo Xukumada Somalilandba Lagu Afgalaadeeyay
May 20, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Daawo Muuqalka”Gudoomiyaha Beelaha Axmed Xasan(Dhogori)Iyo Gaashaan Buurtooda Cismaan Ismaaciil Xaaji Xirsi Amare Oo maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Berbera ayaa Beeniyay Facebook Magaciisa Lagu Samaystay Oo Bulshada Iyo Xukumada Somalilandba lagu Afgalaadeeyay, Waxaanu Gudoomiyuhu sheegay in aanu waligii facebook isticmaalin Lagana Been abuuray Facebook Account lagu samaystay magiciisa oo lagu bahiyay warar borobagaando ah oo sharaftioisa iyo karaamadiisa wax loogu dhimayo waxaanu Gudoomiye Cismaan Ismaaciil Xaaji Xirsi Aamare uu Bulshada qoraaladaas been abuurka ah ee Magaciisa iyo sawirkiisa loo adeegsaday uu ubayaamiyay in aanu isaga ahayn ee ceebayn iyto sharaf dilkiisa dad ka shaqaynayaa ay arinkaas wadaan, isaga ugu baaqaybulshada inay iska ilaaliyaan oo aanay wararkaas rumaysan sidoo kale waxa uu shegay inay ku daba jiraan raga ficilkaas sameeyay dhawaan lasoo qaban doono meel kasta ha joogaane Maxkamadana uu ka dacweeyay.