Dad Lagu Laayay Masjid Ku Yaala Dalka Tanzania
May 20, 2016 - Written by Berbera Today
Daarasalam(Berberatoday.com)-Booliska dalka Tanzania ayaa saddex qof u soo qabtay weerar xalay lagu qaaday masjid ku yaala galbeedka dalkaasi, oo ay ku dhinteen ilaa saddex qof.

Booliska ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay “weerar leh qaab argagixso”.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay oo ka koobnayd ilaa 15 nin oo wajiyada soo duubtay, ay ku hubeysnaayeen faashash, masaaro iyo calan madow oo uu ka muuqdo qoraal cad.