Ururka difacayaasha Xuquuqda Aadamaha oo canbaareeyay Afduubkii Xildhibaan Siciid Axmed Raage
May 20, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Gudoomiyihii Hore Ururka Xuquuqal insaanka ahna Gudoomiyaha difaaycayaasha xuquuqda aadmaha Somaliland Axmed Yuusuf Xuseen ayaa si adag u difaacay Afduubka lagula kacay Xildhibaan Siciid Axmed Maxamed Raage oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha degaanka Degmada Burco oo Hbeen Hore Koox Budhcad ahi Gurigiisa ka kaxaysatay isla markaan lagu haysto Degaanka Naqdhabiijo oo ka mid ah Degmada Burco ee Gobolka Togdheer,Qoraal uuka soo saaray afduubkaas ayaa u dhignaa sidatan’’
Anigoo ku hadlaayaya Magaca dIfaaycayaasha xuquuqda aadmaha Somaliland waxaan si adag u cambaraynayaa falkii foosha xumaa ee waxashnimada ahaa ee lagu kacay Xildhibaan Sixiid Axmed Raage oo ka mi d ah xildhibaanada ka da golaha Degaanka ee Burco, Nasiib darona lagu soo beegay Rubuc qarni ka dib markii xornimada ay Somaliland ka qaadatay somaliya 1991 kii xiligaas oo ay ku dhawaaqday inay Somaliland gooni isu taagtay,maadaama oo lagu jiro xuskii 18 may waxay tani ka tarjumaysaa inaan nidaam iyo dawlad nimo jirin oo kooxo magaca reer sitaa iska afduubanayaan Xildhibaan isla markaana odhanayaan reernimaanu walina haysataan,tani waxay ka hor imanaysaa shurrucda caalamiga ah iyo kuwa dalka u yaal i yadoo falka foosha xun laga sameeyay magaalo madaxdii labaad ee Somaliland oo ah goobtii lagaga dhawaaqay gooni isu taag Somaliland.