berberatoday.com
War saxaafadeed Madaasha Badbaadada Dhalinyarta Somaliland ee MABDA‏
May 20, 2016 - Written by Berbera Today

War-saxaafadeed                                                                                                                   

Madasha badbaada dhalinyarada Soomaliland ee(Mabda) waxay hambalyo u dirayaan dhammaan shacbiwaynaha jumhuurada soomaaliland gudo iyo debedba, sidii qiimaha lahayd ee ay uga qayb-qaateen xuska 25 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqasha xorayaddoodii godka ku dhacday ee ay kula midoobeen  wadankii la odhan jiray jumhuurada Soomaalida;oo guud ahaan gayiga soomaaliland si heer-sare ah looga dabbaal dagey.

Waxaanay ku guubaabinayaan bulshwaynta reer soomaaliland isku duubni, dan wadaag,wax wada qabsi iyo in layska kaashado dhammaan talaabooyinka horu-marka leh ee lagu taamaayo in la taabto, dantana  u ah dalka iyo dadka Soomaaliland.
Hadaba, Madasha badbaadada dhalinyarada Somaliland ee MABDA iyagoo markasta u taagan ka dareen celinta  tabashada iyo tabaalada soo food-saarta bulshada Soomaaliland, horseedna u ah tilmaamid tubta lagu gaadhayo yoolka astaysan.

Madashu waxay hadda ku hawlanaayihiin ka qayb qaadashada munaasibidda maalinta qaran ee 18 may, waxaanay dib u dhigeen baaqii ay hore ugu baahiyeen war-fidiyeenada kaas oo ahaa banaan-bax nabdoon oo lagaga soo horjeedo falalka foosha xun ee ayka mid yihiin musuqmaasuqa, caddaalad darrada, shaqa la’aanta , tahriibka iyo tayo la’aanta wax barashada dugsiyada dawliga ah ee ay danyartu ku dareeraan, baaqaas oo  ku muddaysnaa 20 may 2016, anagoo dib ka soo sheegi doona xiliga iyo goobta la isugu imandoono.

Iyaga oo u sheegaya cid kasta oo ku kacda dhammaan aafooyin ka wadankeenna ragaadiyay in ay maanta bulshada reer soomaaliland tooseen oo ay ka damqadeen wax yaalaha lidiga ku ah hore-marka, diyaarna  u yihiin la xisaabtanka masuuliyiinta maanta iyo kuwa barri.

Balankeenu waa Samir iyo Dulqaad, si aynu Guusha iyo Gobanimada U gaadhno

Maxamuud Yuusuf Ibraahim

Afhayeenka Madasha Badbaadada Dhalinyarada Somaliland ee (MABDA)

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews