berberatoday.com
Wareejinta Dekeda Berbera Waxaa ku Gedaaman mugdi iyo mad-madow badan Waxaana shacabka JSL ay u arkaan Aan ka fuulee -Allow fii haa !! . qalinkii A/fidhinle UK.‏
May 20, 2016 - Written by Berbera Today

Ma Weecsin iyo Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !! Ma Qataabsi iyo Qaraamaad.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto? Ma midigays iyo Oodeys ! Mise Gown iyo Maquuno kale  !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ..Waaba Suke ! Mise ..Waa Deman iyo Dirham-quud !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga araar afmaldhaheed!!….ee bal aan hoos u soo dego… !!

Kuy’e Deked cusub oo 440 mitir ah ayaa laynoo dhisayaa oo hadii isticmaalkaa tii hore iyo ta cusub ee 440 mitir ahi gaadho 75% waa laynoo sii balaadhiniyaa .insha-allah !
Kuy’e Baleysinka Ujeedada Heshiisku waa dhismaha Wadada Berbera Corridor iyo Ganacsigeena oo Eithopia iyo Africa ku xidhma. Waa arin wanaagsan haduu hirgalo !
Kuy’e Bud-dhiga Heshiisku waa Dayactirka iyo Balaadhinta Dekeda Berbera, Horumarinta Dalxiiska iyo Hotelo 5 Star ah oo la inoo dhiso. Waanu soo dhaweyneynaa !
Kuy’e Waxaa intaa Weliba sii dheer Horumarinta Dhinca Beeraha , Horumarinta Tamarta iyo Korontada. Waa jawi shaqo abuur oo loo baahnaa oo Allaa Mahadaa leh !
Kuy’e Shirkadda DP World waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dhan 30 Sannadood ah,
Kuye’ Inagu waxaynu Shirkada DPW kula shuraakoobaynaa waxaynu haysano oo ah % 35 inta kalena iyadaa leh.
Kuy’e Shirkaddu waxay galinaysaa dekeda Berbera cadad lacag dhan $430 malyan oo Dollar.
Kuy’e Shirkadu $230 Million ayey deg deg Dekeda u gelinaysaa si ay Dekeda u balaadhiso oo ugu darto ilaa 440 mitir oo kale.
Kuy’e Shirkadu iyadaa maangashanaysa Dekeda oo suuq xor ah “Free Zone” ka dhisi doonta maamulkeeda iyo maareyntoodana loo dabo fadhiisanayaa.
Maxaa Kuu baxay Boowe …!!  Waa Aan ka Fuulee Allow fii haaaa …. !!!

a) 10-ka Sanadood ee ugu horeeya waxay shirkaddu dekeda berbera galin doontaa lacag dhan $10 Malyan oo Dollar.
b) 10-ka sanno ee hore shirkadu waxay Somaliland siindoontaa 25% dakhliga ka soo xarooda dekeda, 75% hadhayna shirkadaa qaadan doonta.
c) 20-ka Sanno ee ku xigana hadii ay barwaaqoowdo waynu kala qaybsan doonaa dakhliga ka soo xarooda dekeda hadii ay suuq fiican hesho.
d) 10-ka sanno ee hore hadii dekedu isku bixin waydo shirkaddu waxay ka baxaysaa heshiiska oo way iska tegaysaa.
e) 15 Million oo xaqul qalin ah ayaa qalinka lugu duugnay , taasoo $10 million oo ka mid ahi ay khasnada dawlada ku dhici doonaan $5 milliona Tagag lagu iibindoono

Shacabka reer Somaliland uma arkaan Wareejinta Dekeda Berbera ” Win Win Situation ” ee waxay u arkaan in shirkad macaash doon ihi ” Profit seeking company ” ay dhitadoodii yareyd iyo dhaqaalahoodiiba afka u dhigatay, maadaama ay 100 % 100 ay iyadu la wareegayso shaqsiyaad gaar ahina dano shaqsi oo gaar ah ay ku wataan.
1- Hadii Xukuumadu ay hore u laheyd hal- abuur siyaasadeed iyo himilo fog oo ay dalka iyo dadkaba ku hore mariso , lama ay sugteen wareejinta Dekeda Berbera waqtigan kala guurka ah ee mudada koobani u hadhay xukuumada. 2-Haddii ay Xukuumadani ay danaha gaarka ah ay ka hor marin laheyd maslaxada guud ee dalka iyo dadka reer Somaliland lama ay sugteen wareejinta Dekeda Berbera 8-deeda bilood ee waqtigeeda ku meel gaadhka ah uga hadhsan. 3- Hadii Barnaamijka dib-udhiska Dekeda Berbera uu bar-tilmaameed u ahaa Barnaamijyada waxqabadka Xukuumada  maxaa Wareeginta Dekeda loola sugay waqtigan xaas-saasiga ah ee kala guurka ah?

Hadaba Su’aalaha kale ee shacab weynuha reer Somaliland isweydiinayaan ayaa ah kuwan hoose -:

 1- Maadaama Xeerarkii Maangashiga iyo maareynta hantida maguuraanka ah ee dalku ay wada qabyo yihiin sidee mashruucan balaadhan loo maareyndoonaa?
2- Maxay Xukuumadu istiraajiyad Siyaasadeed oo wacyigelineed oo waafi ah uga yeelan wayday Maal-gelinta Siyaasadeed ee Qaranka ?
3- Heshiiskani ma isu dheeli tiran yahay mise waa la kala bursaday sida 120 V 130 qodob ? Xaqal qalinka 15 Millionka ahi ma jeebkii xaqal qalinkii  Genel enery ku dhacay ayuu isna ku shalwan doonaa ?
4 – Mashaariicda daba socda heshiiskan ma shaqsiyaadkii koobnaa ayuun baa meel loogu sii guntay mise Somalilandtu way usinaan doontaa ?
5– Yeelkeede,Yeelka iyo Weelka lagu maali doono mashruucan ma kooxdii ilma jinni boqor ayuun baa weelka sii culatay oo laba lisi  doonta mise waa loo sinaan doonaa?
6- Xaga dawlada yaa kantarooli doona hantida maalgelinta ee Mashaariicdaa baaxada leh ? Goorma ayaana ay  bilaabmaysaa Maalgelintaasu ?
7–Maadaama uu riski badani ku gedaaman yahay dalkeena iyo Degelkeenan Geeska Afrika , dawalada UAE na aanay inoo ictiraafin dawladnimo buuxda weli,
 Dawlada Federaalka ee  Somaliyeed ma ka madax banaanaandoonaa Mashruucani hadii uu hirgalo?
 8- Maadaama ay shirkada  DPW ay dib u heshiinayaan Dawlada Jabouti  Bisha Afraad ee 2017 ka , Dekeda Berbera ma boos celis bay ka dhiganaysaa shirkadu ?
 9 – Qodobada heshiiska ku qoran ee 125 qodob kor u dhaafay ee shirkada DPW soo qoratay gudi madax banaan oo loyaro ah ma loo qaban doonaa ?
10- Aqoon yahanka fogaan araga ah ee JSL waxaa isu qaban waayey heshiis 30 sanadood ah iyo lacagta maalgelinta oo yar oo ah $430 Million oo qudha ah.

Horumar soo kordha iyo talaabo wanaagsan oo la qaado marna lama diidana ee waxaa la diidan yahay mad-madowga ku gedaaman mashruucan iyo naasnuujin ku soo ururta shaqsiyaad kooban sidii hore u dhacday intii xukuumadani dalka hagaysay, waxaana xukuumada looga fidhiyaa in ay sife qodobaysan ugu soo bandhigto mashruucan mushtamaca iyo Goleyaasha Wakiilada ee Somaliland. waana in ay Xukuumadu ka yeelataa machruucan Siyaasad cad iyo istiraajiyad wacyigelineed oo cokan .Si ay shacabweynaha reer Somaliland Xaqiiqaad iyo xog ay falkiyaan oo ku xasilaan uga helaan Mashruucan baaxadiisa leh.

Waxaa Quluubta Shacabweynaha reer Somaliland badankooda ku duugan nidaamkii loo maray shirkadihii badnaa ee la siiyey Liisanka Shidaal baadhista dalka sida Shirkadihii Genel – Energy iyo DNO kuwaas oo xaqal qalin badan laga qaatay oo hawshoodiina loogu dhameeyey daaha dabadiisa iyo  gurada xayndaabka madaxtooyada oo aan la soo marin marna Golihii Baarlamaanka si ay u ansixiyaan oo ay muraadkooda Dastuuriga ah uga gutaan. Hadii ay taasi dib udhacdo iyada oo hada lagu jiro waqti kala guur ah waa arin khatarteeda leh oo burinaysa xeerarka iyo nidaamka  Dastuuriga ah ee dalka u yaalay.

Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listo oo maalgashato Dekedo badan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala ka soo bilow Brazil ilaa iyo China laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawani ka raacday qaar badan oo mandaqadeena ku yaala sida: Dekeda  D-Jabuoti ,Dekeda Sinigaal iyo Dekeda Cadan ku waas oo ay maxkamado isla wada galeen.Danta guud ee shacabka Somaliland Waxay ku jirtaa haatan in shacabka si qodobaysan loogu soo bandhigto Xaqiiqaad iyo xog qodobaysan oo ay falkiyaan ka dibna fahmaan oo ku xasilaan.

Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow sahal amuuraha !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews