berberatoday.com
Ciidamada Ilaalada Aqalka Cad Ee Maraykanka Oo Ka Hortagay Nin Hubaysan
May 21, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Xubnaha ilaalada Madaxtooyada Mareykanka ayaa bannaanka hore ee Aqalka Cad waxa ay ku dhaawaceen nin hubaysan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka.

160520201116_sp_white_house_security_1_624x351_ap

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in nin uu qori ku lulaayay meel u dhaw bar koontorool oo u dhaw dhismaha aqalka cad calooshaana laga toogtay.

Aqalka Cad ayaa muddo kooban la xidhay kaddib rasaastii Jimcaha.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka maqnaa Aqalka Cad oo ciyaarta golf-ka loo yaqaan ayuu ku dheelayay deegaanka Maryland.

Qofka dhaawacmay ayaa la dhigay istibaal xaaladiisuna ma wanaagsana, sida ay saraakiishu sheegeen.

160520201917_sp_white_house_security_3_624x351_ap_nocreditMarka ay rasaastu dhacaysay madaxweyne ku-xigeenka, Joe Biden, ayaa ku sugnaa Aqalka Cad.

Inta ay arrintu socotay ayaa waxaa la geeyay meel ammaan ah sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad.

Aqalka Cad ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dhowr fal oo ammaanka la xidhiidha, taasi oo horseedday in isbadello lagu sameeyo habka uu u dhisan yahay Aqalka.

Bishii Abriil, ilaalada madaxtooyada ayaa waxa ay qabteen nin isku dayay inuu koro dayrka Aqalka Cad.

2014, Cumar Conzalez oo ah halyeey ka soo dagaalamay waddanka Ciraaq ayaa ka booday dayrka waxa uuna ku orday dhismaha isagoo mindi wata.

Isla sanadkaasi, canug yar ayaa isku cadhiidhiyay mid ka mid ah albaabada dayrka waxaana lagu qabtay barxadda hore ee Aqalka.

2013, nin ayaa isku dayay in uu gaadhi ay ka buuxaan mindiyo iyo rasaas uu ku dhufto mid ka mid ah baraha koontorool ee Aqalka.

2011, Oscar Ortega-Hernandez, ayaa lagu toogtay Aqalka Cad waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayayay inuu dilo Mr Obama ama mid ka mid ah shaqaalihiisa.

 

Mr Ortega-Hernandez, ayaa rumeysnaa in Alle uu siiyay howlgal u gaar ah oo uu ku weeraro Aqalka Cad, sida ay sheegeen ila wareedyo ka tirsan ammaanka.

 

 

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews