War Deg Deg Ah”Qeyb Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Mayar Kuxigeenkii Kujiro Oo Maayar Cusub Doortay, Mayarkii Horena Xilkii Ka Qaaday”Daawo Muuqal
Burco(Berberatodayu.com)-Iyadoo uu mudooyinkii ugu dambeeyeyba Jiray Khilaaf Baahsan oo u dhexeeya Qaar ka mid ah
Golaha Deegaanka Ee Degmada Burco iyo Maayirka Degmada Burco Kuwaasi oo si weyn ugu Kala aragti duwanaaday Dhul Dan guud ah oo ku yaala Gudaha magalada Burco Waxaana sidoo kale Khilaafkani Golaha deegaanka Ku Lug leh Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta somaliland Cali Mareexaan.
Xildhibaanada Sida weyn uga Soo horjeeda Maayirka degmada Burco ayaa waxa ay Kulan ay isugu yimadeen Hutel Ramad ee Magaalada Burco waxa ay ku dhawaaqeen Maayir Cusub oo ay Sheegeen in ay u doorteen Magaalada Burco.