Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland Maxay Ka Yidhaahdeen Wareejinta Dekedda Berbera? Daawo Muuqal
May 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Fadhigoodii Sabtida Maanta ka hadlay Heshiiska wareejinta Maamulka iyo Maalgelinta Dekedda Berbera, isla markaana waxay sheegeen in dalku u baahan yahay Shirkado caalmai ah oo maalgelin dhinacyo kala duwan leh ku sameeyo, si uu horumarka dhinaca dhaqaaluhu u kobco.
Waxay Xildhibaannada Fadhigan Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan go’aanka Madaxweynaha ee horraantii bishan lagu saxeexay heshiiska lagu ballaadhinayo Dekedda Berbera, iyadoo Maamulka Dekeddana ay gacanta ku hayn doonto Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubia Port World muddo soddon sannadood ah sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda oo Heshiiskaas u saxeexay dhinaca Somaliland.