berberatoday.com
Khilaaf Ashkatadiisu Gaadhay Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Dhex Qarxay Wasiirada Hawlaha Guud Iyo Arrimaha Gudaha Oo Kadhashay Faragalinta Uu Cali Mareexaan Kuhayo golaha deegaanka Burco
May 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-farogelintii uu Golaha Deegaanka Degmada Burco ku sameeyey wasiirka hawlaha Guud Cali Mareexan ayaa sababtay inuu khilaaf horlehi soo kala dhexgalo wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade iyo wasiirka hawlaha guud.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa la sheegay inuu telephone u diray wasiir mareexan oo ku sugan gobolk togdheer, kaasoo ku wargeliyey inuu faraha kala baxo hoggaanka cusub ee ay doorteen aqlabiyadda golaha deegaanka burco, sidoo kale Waxa wasiir waran cadde xassuusiyey wasiirkan kale inaaanay tani ahayn shaqadii loo igmaday.
Hase-yeeshee wasiir Cali mareexan ayaa hadalka wasiir waran cadde ganafka ku dhuftay isagoo weliba u raaciyey inuu shaqada ama xilka ka qaado doono.
Sidoo kale, wasiir waran cadde ayaa isna dhinkiisa arrinta wasiir Cali mareexan uga dacwooday Madaxweyne siilaanyo, kaasoo ku eedeyey inuu fidmo iyo iska hor keenis ka wado gobolka togdheer, isla markaana farogelin kula kacay shaqadiisa.
Madaxweynaha somaliland ayaa la filayaa inuu talaabo ka qaadi doono wasiirkan hawlaha guud oo xiili shaqadiisu dayacan tahay oo Bireeshyada dalka iyo wadooyinka, guryaha dawlada intuba dayacan yihiin hadana fidmo iyo hurin colaadeed ka bilaabay gobolka togdheer.
 
Khilaafkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo awood maroorsi iyo farogelin uu sameeyey wasiirka hawlaha guud kaasoo si qayrul sharci ah ugu dhex milmay khilaafkii golaha deegaanka burco, kaddib markii ay aqlabiyadda golaha deeganka degmada burco shalay fadhi ay yeesheen ku doorteen mayor iyo ku xigeenka cusub oo uu yeelan doono golaha deegaanku.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews