Xafiisyo Si Fudud Loogu Bixiyo Baasaaboorka Somaliya Gudaha Magaalada Hargeysa Oo La Ogaaday
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baasaaboorka Dalka Soomaaliya (E-Passport) oo hore uga Mabnuuc ahaa in laga bixiyo Magaalooyinka Somaliland, ayaa Bilihii u dambeeyay si Caadiya looga qaataa Magaalooyin Hargeysa ka mid tahay. Haddaad Hargeysa joogto ama aad Magaalo kale ka timaaddo, si fudud baad Baasaaboorka Soomaaliya uga qaadan kartaa Xafiisyo si Qarsoodiya looga Farsameeyo, sababtoo ah Qofku marka uu Lacagta bixiyo lama waydiiyo Macluumaad ka badan inta Baasaaboorka loogu qorayo.