berberatoday.com
“Bassaasiintii Dunida Oo Dhan Soomaalida Ayay Maanta Ku Dhan Yihiin, Muraayadda Aragga Ayaa Codka Iyo Muuqaalkaba Lagaaga Duubayaa, Ma Idinkaa Ogba…”
May 23, 2016 - Written by Berbera Today

Wadaad Reer Boorama Ah Oo Sharraxay Qaababka Ciidammada Sirdoonku U Hawl-galaan

Borama(Berberatoday.com)-Sheekh Xasan Deheeye oo ka mid ah Culimada Boorama, ayaa sheegay in Hay’adaha Sirdoonka Adduunka badankoodu joogaan Dhulka Soomaalida, isla-markaana Hawl-gal kasta oo Ciidammada Ammaanku sameeyaan loo duubo oo loo diro.

Warka BasaasiintaSheekha oo Jimcihii ka hadlayey Masaajid uu Khadiib ka yahay oo ku yaalla Magaalada Boorama, ayaa shaki geliyey Shaqada rasmiga ah ee Hay’adaha Shisheeya Dalka u joogaan, isagoo tilmaamay inay Xeelad tahay Magacyada Hay’adaha ee Dhowrka Xaraf ka kooban.

Sheekha  oo arrimahaa si layaab leh uga hadlaya, ayaa yidhi, “Heerarka aynu marayno, ma idinkaa ogba, bassaasiintii dunida oo dhan, Hay’ad kasta oo wax bassaasta, Maraykan, Ingiriis, Faransiis, Yuhuud IWM, Soomaalida ayey Maanta ku dhan yihiin. Erayo gaagaaban oo saddex xaraf ah ayaa baabuurta la idiinku dhejinayaa.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay “Maalintii dhaweyd ee aan idhi Dawladdu haka deyso suuqa inay argagax galiso, ileyn fillim ayaa laga duubayaa, sida la ii sheegay, miyaan warba hayey, fillimadaasi la duubayo ayaa markaaba loo kala dirayaa Hay’adaha bassaasida Adduunka, miyaad waxaa ka fikirayseen, haddaba imika waxa soo baxay in muraayadaha aragga ee indhuhu ay ku rakiban yihiin wax duubaya muuqaalka iyo codka, taas ayuunbuu ninku kuu xidhanaya, wax kasta oo aad ku hadashana wuu kaa duubayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Haddii aynu noloshii kale ee bani’aadamnimada ka dhacnay tii bassaasida ayeynu cirka gaadhnay, bassaasnimada caalamka ayeynu cirka maraynaa, waxaan la yaabay qof dukaan jooga oo loo yeedhi karo, oo aan hub sidan, maxaa loo weerarayaa ee loogu adeegsanayaa hubka iyo baroonada, maxay intani tahay, ileyn meesha fillim kale ayaa ka socda oo la duubayo, lana iib-geeyo siday iyaga laftoodu ii sheegayaan”.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews