berberatoday.com
Berbera: Heshiiska Dekedda, Shirkii Dhallinyaradda, Natiijadda Shirka, Saskii Hore Iyo Ka Qaybgalkii Xukuumadda
May 23, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Berbera: Heshiiska Dekedda, Shirkii Dhallinyaradda, Natiijadda Shirka, Saskii Hore Iyo Ka Qaybgalkii Xukuumadda

DEKEDA BERBERAaa

Berbera (Berberatoday.com)Shir lagu yagleelayay dhismaha urur dhalinyaro, oo ay ka qayb
galeen ganacsato iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ayaa ka dhacay huteelka
Maansoor ee magaaladda Berbera, isla markaana waxa  shirkaa oo la gunaanaday
shalay gelinkii dambe lagu magacaabay gudi qabanqaabo oo soo diyaarisa xeer
hoosaadka uu yeelan doono ururkaa oo lagu magacaabo Muwaafaqo, kaasoo ay
yeelan doonaan dhalinyaradda beesha Ciise Muuse. Shirkaa dhalinyarada beesha Ciise Muuse waxa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha
Dibadda Sacad Cali Shire, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Sh. Saleebaan,
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Ramaax, Maayarka Berbera
Cabdishukuur Ciddin, mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali iyo masuuliyiin kale,
isla markaana waxa shirkaa oo dhalinta ka qayb gashay ay ka kala yimaadeen
Burco, Hargeysa iyo Berbera lagu magacaabay guddi soo diyaarisa xeer uu yeelan doonno urur loo bixiyay Muwaafaqo.
Dhalinyarada shirkaa agaasimaysay ayaa kulankaa ka sheegay in shirku daaran
yahay in lagu dhiso urur middeeya dhalinta beesha, isla markaana ay kaga tashan
doonnaan aayahooda. Waxa kale oo ay halkaa ka sheegeen in aanuu siyaasad lug
ku lahayn.Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Sh. Saleebaan oo ka mid ahaa
masuuliyiintii kulankaa ka hadashay ayaa hambalyeeyay dhalintii kulankaa, hadal uu halkaa ka jeediyayna waxa ka mid ahaa weedhihiisii oo uu yidhi;“Reerkeenna Ciise Muuse la yidhaahdo ilaahay ha inoo hagaajiyo, Ilaahay baynu waydiisanaynaa. Dhalinyarta halkan isugu
timi, siyaasad ka hadli mayno baa halkan laga yidhi, siyaasadu waa nolosha bani,aadamka hagaysa, markaynu aasaasno ururka
aqoonyahanka dhalinyarta Ciise Muuse , wuxuu u baahanayaa siyaasadii uu ku socon lahaa, doorashooyinka markay gaadho wuxuu u
baahan yahay in la yidhaahdo haddana, cod baynu bixinaynaaye yaynu wax la galaynaa. Intiina halkan joogta ninna lama odhan karo,
Waddani ha noqoninna, Kulmiye ha noqoninna, Ucid ha noqoninna, laakiin waxa la leeyahay waar waxaa iska daayoo maxaa ina
middeeya? Waxa ina mideeya Ciise Muuse iskuul baynu dhisaynaa, qolo walayba jaajuurkaaga keen, boqol midh Ucideey keen, boqol midh Waddaniyoow keen, boqol midh Kulmiyoow keen, geel loo kor baynu iskuul ka dhisaynaa, wixiiniina kala wata. Anagu Kulmiyaanu nahay,
murashax baanu leenahay oo waa Muuse Biixi Cabdi, haddana ma odhanayno Muuse Biixi Cabdi ninkaan taageersanayni yuu kadinkaa ka
soo gelin. ”
Mulkiilaha HCTV ayaa isna hadal uu kulankaa ka jeediyay ku sheegay, in dhaliyaradu ay ogaadaan awoodda ay leeyihiin, waxaana
weedhihiisii ka mid ahaa; “aad baan u faraxsanahay, ma doonayo in aan anigu isdifaaco, hortaybaa laga hadlay oo wax dan ah oo aan anigu
ka leeyahay ma jirto, oo aan ahayn inay arrintani idiin qabsoonto. Xagga maalgashiga  maanta cid idinka jecel in maalgashi yimaado wadanka ma jirto, waayo, aqoontiina shaqaa u baahan tihiin, in xukuumadda iyo qof kale ka baqo maaha,  waqti dheer bay igu qaadatay in
aan xukuumadda u sharaxo taa, anoo madaxtooyada jooga, in aan wax dhibaato ahi ka imanayni kulankaa, in idinku aad ka lexejeclo badan
tihiin oo aad doonaysaan inuu maalgashi yimaado, laakiin dabcan waxaad u baahan tihiin wax cad iyo inaa ogaataan wuxuu u tarayo idinka
iyo qarankaba.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo isna hadal uu halkaa ka jeediyay kaga arrimo ay ka mid ahaayeen mashruuca heshiiska
maalgelinta ee ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, oo uu xusay inuu wax badan u soo kordhin doono Somaliland. Gudoomiyaha gobolka Awdal Ramaax iyo masuuliyiin kale ayaa iyana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadashay.
Dhamaan masuuliyiinta halkaa ka hadashay waxay dhamaantood u hambalyeeyeen ururka ay dhalinyaradaasi yagleelayaan, isla markaana
waxay balan qaadeen inay la shaqayn doonnaan dhaqaale ahaanna ka taageeri doonaan wixii ay uga baahdaan. Masuuliyiintaa kulankaa ka
hadashay qaarkood ayaa laga dhadhansanayay hadalkooda in xukuumaddu ka cabsi qabtay markii hore in shirkaa laga soo saaro wax lid ku
ah heshiiska Dekedda Berbera ee xukuumaddu gashay, taasoo loo aaneeyay inay sababtay in tagaan masuuliyiinta xukuumadda beeshaa
kaga jira baddidoodu. Heshiiska Dekedda Berbera ee xukuumaddu gashay ayaa ilaa hadda  la dhawrayaa soo bandhigista xaqiiqdiisa qoraal ahaan, si meesha looga saaro didmo  iyo shaki wixii layska waydiinayo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews