berberatoday.com
Kooxada Barcelona Oo Ku Guulaystay Copa Del Rey(Sawirro)
May 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-kooxdaBarcelona ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah difaacatay koobka Copa Del Rey kadib markii ay guul ka gaadhay kulankii ciyaar dhamaadka ee ka dhacay Vincente Celderon. 10 ciyaartoy oo Barcelona ayaa aduunka yaabsaday kadib markii ay waqtiga dheeriga ah la gaadheen Sevilla,laakiin dhamaadkii ciyaarta Sevilla ayaa iyana lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy taas oo si buuxda albaabka ugu furtay Barcelona oo waqtigii dheeriga ahaa wacdaro cajiib ah ku dardartay Sevilla.

3481F78800000578-3603830-image-a-7_1463956744106

Barcelona ayaa ku guulaystay koobkeedii 28 aad ee Copa Del Rey, waxayna Sevilla kulankan ay 90 kii daqiiqo ee rasmiga ahaa ay soo badhigtay wacdaro aan la rumaysan karin balse waxay awoodi wayday in ay wax gool ah la timaado iyada oo 57 daqiiqo haysatay fursad fiican waana waqtigii ay Barcelona ahayd 10 ka ciyaartoy. Si kastaba ha ahaate nasiibka ayaan saacidin  kooxda Sevilla basle waxay saymaysay wax kasta oo ay guul ku gaadhi kartay. Jordi Alba iyo Neymar ayaa Barcleona ukala dhaliyay goolasha ay guushan ku gaadhay.

Kooxaha Barcelona iyo Sevilla ayaa u tartamayay kooxdii xili ciyaareedkan laba koob ku dhamaysan lahayd, waxayna Vincente Calderon iskaga hor yimaadeen ciyaar dhamaadka Copa Del Rey. Kooxda tartanka Copa Del Rey ugu koobabka badan ee Barcelona ayaa doonaysay in ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay difaacato koobkan si la mid ah koobka La Ligaha oo ay dhawaan markale ku gulaysatay.

Dhamaadkii qaybta hore Barcelona ayaa markeeda heshay dhawr fursadood, waxaana daqiiqadii 45 aad Barcelona hogaaanka udhiibi gaadhay Pique kadib markii uu la kulmay koorne uu soo tuuray Raktic laakiin darbadiisa ayaa birta wax yar u martay.

Halka intii lagu jiray laba daqiiqo oo ciyaarta lagu daray uu Neymar kala seex seexiyay difaacyada Sevilla laakiin kubbada uu u dhiibtay Messi ayuu xidiga Sevilla ee  Krychowiak uu si fiican u daboolay, si kastaba qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababare Luis Enrique ayaa soo buuxiyay booskii difaaca dhexe ee Mascherano casaanka laga siiyay, waxaana kooxda laga reebay Ivan Rakitic iyada oo kooxda la soo raaciyay Jérémy Mathieu.

Sevilla ayaa markale soo laabtay iyada oo ah kooxda goolka furitaanka laga filan karo waxaana dhiiro galin dheeraad ah ay ka heshay in Barcelona ay ciyaarta qaybta danbe oo dhan ay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy isla markaana waxay sii wadatay dardartii qaybta hore ay soo badhigtay.

DAQIIQADII 50 aad Sevilla ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolka furitaanka kadib markii uu  Banega darbo xoogan ka tuuray meel ka baxsanayd xerada ganaaxa, waxayna kubbadu ku sii dhacday Pique laakiin darbada  Banega ayaa birta ku dhacday, waxaana halista iska fogeeyay difaaca.

Musiibada Barcelona ayaa halkeeda ka sii socotay, iyada oo Messi dibada daawayn loogu samaynayo isla markaana ay jamaahiirta Barcelona walwalsan yihiin ayuu Luis Suarez garoonka dhex fadhiistay kadib markii uu soo gaadhay dhaawac u diiday in uu ciyaarta sii wato. Messi ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay laakiin Suarez ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 57 aad, waxaana lagu soo badalay Rafinha Alcântara.

Sevilla ayaa bilawday in ay awoodeeda oo dhan iskugu gayso sidii ay Barcelona culayska u saari lahayd,laakiin Luis Enrique ayaa garsooraha si wayn ugu cadhaysnaa wuxuuna marar badan garsoorka ku eedeeyay in ay ciyaartoyda sevilla u olaadeen in ay qaladaad badan galaan oo bilaa digniin ah. Garsooraha ayaan kaadh digniin ah bixin ilaa daqiiqadii 73 aad markaas oo Rami qalad ku galay Neymar isla markaana ay dagaali gaadheen.

Barcelona ayaa ciyaarta si gaabis ah dib ugu soo laabanaysay, waxaana khakda dhexe shaqo wayn ka qabanayay Andres Iniesta oo u muuqday in uu buuxinayay booska Rakitic laga saaray, wuxuuna dhibaato ku abuurayay difaaca, waxaana sidoo kale ciyaarta wax ka badalay Messi oo weerar deg deg ah fursado ku abuurayay.

Barcelona ayaa badashay qorshaheeda ciyaareed, waxayna bilawday in ay difaacato isla markaana ay weerar deg deg ah fursado ku raadiso, halka Sevilla ay noqotay kooxda inta badan kubbada haystay.Iyada oo ciyaartu u muuqata in ay ku dhamaabayso barbaro gool la’aan ah isla markaana ay xamaadu marayso halkii ugu sareeyay ayay Barcelona bilawday in ay wacdaro cusub la soo baxdo.

Intii lagu jiray saddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, Sevilla ayaa markeeda la kulantay dhibaato wayn kadib markii kaadhka cas oo toos ah loo taagay Ever Banega, sheeko la mid ah  qaabkii Mascherno casaanka lagu siiyay, Iniesta ayaa markale hore soo kala dhantaalay Sevilla, wuxuuna kubbad u sii dhiibay Messi kaas oo markiiba kubbada u bixiyay Neymar oo dhinaca bidix ka boos qaatay, laakiin Ever Banega ayaa naftiisa iyo kooxdiisa halis galiyay kadib markii uu qalad ku joojiyay Neymar oo goolka u furnaa, waxaana si toos ah lo siiyay kaadhka cas, Sevilla ayaa markeeda lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Labada kooxood ayaa waqtiga dheeriga ah isla gaadhay iyaga oo min 10 ciyaartoy ah kadib markii ay waqtigii rasmiga ahaa ay barbaro gool la’aan ah ku kala baxeen. Xusuuso finaladii xalay ee  FA Cupka, DFB-Pokal  Cupka iyo  Coppa Italia oo dhamaan laysla gaadhay waqtiga dheeriga ah. Markale labada kooxood ayaa dagaal u galay sidii ay u raadin lahayeen goolka dhibaatada wayn ku noqtay, laakiin markan labada kooxood markan isku awood noqtay maadaamo  ciyaartoy min 10 ahi garoonka ugu jirtay, waxayna Barcelona markan bilawday in ay si xoogan u raadiso goolka furitaanka.

DAQIIQADII 97 aad Barcelona ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan sida wayn loo raagsaday dhaliyay difaaca bidix ee  Jordi Alba Ramos kaas oo kubbad layaableh ka helay Lionel Messi oo kubbad ka soo tuuray wuxuuna Alba ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay. Sevilla ayaa qalad wayn ku lahayd in ay 57 daqiiqo oo ay Barcelona 10 ciyaartoy ahayd in ay ka faa’iidaysan wayday.

https://www.youtube.com/watch?v=Jw0dhkx-6AU

 

 

 

 

 

3481DAB000000578-3603830-image-a-4_14639566025863481F78800000578-3603830-image-a-7_146395674410634814F8C00000578-0-image-a-50_14639508969751463940027_602942_1463948449_album_grande1463940027_602942_1463950617_album_grande1463940027_602942_1463951958_album_grande2016523635995620085174696uhurCjF1CahW0AA8njWCjF4ljhWYAIBgxXCjFzn3CW0AA5BEU

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews