berberatoday.com
Maxkamad Maraykanka Ku Taal Oo La Soo Taagay Dhallinyaro Soomaali Ah Oo Ku Taamayey Inay Ku Biiraan Kooxda Daacish
May 23, 2016 - Written by Berbera Today

Minneapolis(Berberatoday.com)-Toddobaadkii labaad, ayaa soo xidhmay Dacwad ka socotay Maxkamadda Federaalka ee Magaalada Minneapolis, Minnesota taasoo xeer-beegta ay ku dhageysanayeen dacwad ka dhan ah saddex wiil oo Somali-American ah oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish/ISIS. Sedexdaasi Wiil oo kale ah; C/raxmaan Daauud, Maxamed Faarax iyo Guuleed Cumar.

Warka Maxkamadda (1)Tan iyo Galabnimadii Arbacaddii, ayaa la dhagaysanayay cajalado si qarsoodi ah uu ku soo duubay C/raxmaan Bashiir oo si qarsoodi ah ugu shaqeenayay Waaxda Amniga ee FBI-da.  Bashiir ayaa ka mid ah Markhaatiyada ugu Waawayn ee dacwaddan, isagoo si Qarsoodi ah ula shaqeenayay FBI-da, kana mid ahaa qorshaha Wiilashan markii hore, balse is-beddelay, isla markaana billaabay in uu si qarsoodi ah dowladda ula shaqeeyo oo uu Wiilasha kale kasoo duubo cajalado.

Sidoo kale, C/raxmaan Bashiir ayaa markii hore rabay waa sida uu maxkamadda u sheegay inuu ku biiro Kooxda Daacish, taasoo ay ku dhiirri-galiyeen wiilal ay ilmo-adeer yihiin oo deggenaa Magaalada Sandiego ee gobolka California, oo la kala odhan jiray; Hamza Kariya, Xirsi Kaariya iyo Hanad Moalin. Wuxuuna wiilkan maxkamada ka sheegay in markii Ilmo-adeerradiis lagu dilay Suuriya uu isagu is-beddelay, isla markaana uu billaabay inuu la shaqeeyo FBI-da, si qarsoodi ahna uu codad uga soo duubo Wiilasha saaxiibbadiis ah.

Bashiir ayaa maxkamadda ka sheegay in nin Gobolka California jooga oo si qarsoodi ah FBI-da ugu shaqeeya uu u sheegay inuu sameyn karo Passport been abuura ah lacag dhan $450, oo loo baahan yahay in $100 loo dhigo horumarin ah.

Cajaladaha sida qarsoodiga ah uu ku duubay C/raxmaan Bashir ayaa waxa laga maqlayaa iyadoo dhallinyaradu ka sheekaysanayaan sidii ay u tagi lahaayeen Suuriya oo ay ugu biiri lahaayeen Kooxda Daacish.

Mar ayaa laga maqlayaa Guuleed Cumar oo odhanaya. “Wuxuu rabaa inuu dalka Mexico tago oo uu si fiican u barto si uu xidhiidh ugu sameeyo “Walaalaha” kaddibna ay halkaas Maraykanka kasoo galaan.”

Dhanka kale, Waalidka Mahamed Faarah, C/raxmaan Daa’uud iyo Guuleed Faarax ayaa u sheegay Warbaahinta in wiilka wax duubay uu isugu geliyay Wiilasha Qorshahan.

Dacwaddan ayaa la filayaa inay socoto laba todobaad oo kale. Todobaadka soo foolka leh ayay dowladdu Dhameystiri doontaa dacwadda, kadibna qareenada difaacaya Wiilasha ayaa su’aalo weydiin doona marqaatiyada ay dowladdu keentay, kaddibna waxaa jiri doona in Qareennada Dowladda iyo kuwa difaacaya wiilasha ay soo gaba-gabeeytaan dacwadda, laguna wareejiyo xeer-beegtida.

Ugu dambeyn, Shacab badan oo Soomaali ah ayaa kasoo Qayb-gala dhageysiga dacwaddan, Waaliddiinta dhallinyarada xidhan dhalayna waxay xilli walba joogaan goobta maxkamadda, iyagoo si taxaddar leh ula socdaan arrintaan murugada leh.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews