Safiirka Dawlada Xamar Ufadhiya Dalka Koonfurta Sudan Iyo Koox Uu Wato Oo Muwaadin Reer Somaliland Ah Ku Jidh Dilay Maxaad Uxusaysaa 18 May Daawo Muuqal
May 23, 2016 - Written by Berbera Today
Juba(Berberatoday.com)-Halkan ka daawo Muwaadin reer Somaliland oo Xadhig Iyo jidh-dil safiirka Soomaaliya ugu gaystay Dalka Koonfurta suudaan isagoo ku Guda jira Sidii uu Somaliland qadiyadeeda u gaadhsiin lahaa bulshada Caalamka
Safiirka Somaliya ee Dalka South Sudan Mudane Diinaari Ayaa Markuu Mudo 3 Sano ah ku hayay Xabsi ku yaala Magaalada Jubba usoo Mustaafiriyay Magaalada Muqdisho halkaasi oo Markii danbe Gaadhi Nooca Dagaalka ah ee loo yaqaan Beebeega Ay Jiidhsiiyeen Ilaalada Raiisal wasaarihii Hore ee Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
Muwaadinkan oo lagu Magcaabo Khadar Ayaa dirqi lagu keenay isagoo Dhaawac ah Magaalada Hargaysa waxaana lagu daaweeyey Cusbitaalka Hargaysa,Wuxuu sheegay inuu Ganacsiyo ku lahaa Nairobi iyo Jubba Balse uusan hada awoodin Nolol Maalmeedkiisii