berberatoday.com
Taleex”Xukuumadda Somaliland Oo Lacag Faro-guudkooda Kaga Hawl-gashay Duufaanno Guryo-tirey 250 Qoys
May 23, 2016 - Written by Berbera Today

“illaa 150 guri oo Jiingado ahaa way dumeen, boqol gurina Jiingadduu kala tagay Duufaanku…”Odayaasha Taleex

Taleex(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Shalay Deeq Lacageed gaadhsiisay Dad ku dhaqan Degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo oo dhibaato ka soo gaadhay Roobab Dabeylo Watay oo dhawaan halkaa ka da’ay.

Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo Safar ku jooga Gobolka Xaysimo isla-markaana doraad kulan uu xog-ogaal ugu noqonayo Duruufta Dadka halkaasi ku dhaqan la yeeshay odayaasha iyo Waxgaradka Taleex, ayaa Shalayna Lacag dhan Afartan kun oo dollar ku wareejiyey Guddi ka dhisan halkaasi oo bulshada Matalaya.

Lacagtan, oo Xukuumaddu ugu talo-gashay inay ku taageerto Dadkii ku guryo-beelay Roobabkaasi, ayaa waxa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Wasiirka Biyaha oo hoggaaminayey Wefti uu ka mid yahay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxaanu sidnaa Hanti aanu ka keenay Hargeysa, Hantidaas oo loogu talo-galay Dadkii ku wax ku gaadheen Duufaankii ku dhuftay Degmada Taleex, Qabiil looguma Talo-gelin, Cid kalena looguma talo-gelin ee waxa loogu talo-gelay Dadkii wax gaadheen. Dad Xog-ogaal ah oo aanu Wareystay waxay yidhaahdeen kuma fila (Dadka wax gaadheen) waxaanu sidnaa. Dhibaato kale ayaa ka dhacday meesha, laakiin Xukuumadda Somaliland iyo Guddida Abaaruhu waxay ka damqadeen Dadkii dhibaatadu ku dhacday. “

Wasiir Baashe, waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu sidnaa Lacag $ 40.000 oo Doollar ah, Waxaanan idiin dhiibayaa iyadoo Kaash Ah.”ayuu yidhi.

Lacagtu Ma Ku filan tahay Dada Waxyeeladu soo gaadhay.?

Qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Taleex, ayaa kulanka ay doraad la yeesheen Weftiga Wasiirka Kheyraadka Biyaha ugaga warramay inta uu leeg yahay khasaaraha Dabeyluhu gaadhsiiyeen Dadka iyo Hantida Degmada Taleex, “Annaga waxa na martay Dabeyl xoog leh oo Xawli ku socotay, Duufaankaasaa na helay, Waxyeelo badanna Dadka wuu soo gaadhsiiyey, illaa 150 guri oo Jiingado ahaa way dumeen, Hantidii taalayna way ku burburtay, boqol guri (oo dhagax ahna) Jiingadduu kala tagay, Agabkii yaaleyna wuu ku lumay. Markaa waxaa aad siddaan waanu ogol nahay in Dadkii lahaa (ee khasaaruhu soo gaadhay) la siiyo oo aanay meel kale marin.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Odayaasha reer Taleex ee halkaa ka hadlay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews