berberatoday.com
Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ay Galbinayaan Gaadiid Tikniko Ahi Oo Soo Gaadhay Berbera, Shaqaalaha Dekedda Oo Gadoodsan Iyo Wafti Ka Socda Shirkadda DP World Oo Berri Kasoo Dagaaya Garoonka Diyaaradaha Berbera
May 23, 2016 - Written by Berbera Today
xaashi saxadBerbera(Berberatoday.com)-Wasiirada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali Shire oo ay galbinayaan afar gaadhi oo kamid ah ciidamada rru-da ayaa caawa fiidkii soo gaadhay magaalada berbera ee xaruunta gobolka saaxil. Labadan wasiir ayaa ujeedada safarkooda la xidhiidha arrimo badan, oo ay kamid yihiin sidii ay wacyi gelin ugu soo sameyn lahaayeen shaqaalaha dekedda Berbera, kuwaasoo ku qancinaaya inay ogolaadeen wareejinta dekeda Berbera.
SafarkaWasiiradda ayaa laala xidhiidhinayaa wafti ka socota shirkadda Dp World oo maalinta berri ah safar khaas ah ku imanayaana magaalada Berbera, kuwaasoo soo kormeeraya gudaha dekedda iyo xaalada amni ee dalka. Wasiirada ayaa googol xaadh u ah soo dhoweynta waftiga carbeed iyo dejinta shaqaalaha dekeda Berbera oo ay weheliyaan shacab weynaha magaaladdu.
Wasiiradan oo ay ka muuqato cabsi xoogan oo ay ka qabaan dadka deegaanka ayaa isku xeeray guutooyin kamid ah ciidamada qaranka, isla markaana caawa degay huteelka maansoor Berbera. Wasiiradan ayaa la filayaa inay maalinta berri ah kulan la yeelan doona qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dekedd Berbera, waxanay labadan masuul wadaan qorshe ay damacaan yihiin inay ku khiyaameeyan shaqaalaha dekedda Berbera, kuwaasoo ka dhaadhaacinayaa inay joogayaan haddii ay la wareegto shirkadda laga kireeyey inay manafacaadsato marsada caalamiga ah ee somaliland.
Geesta kale, shaqaalaha dekedda Berber ayaa la filayaa inay kacdoon iyo gadood kala horyimaadan wasiiradan guutooyinka ciidamada ahi gelbinayaan. Isla markaana shaqaalaha ayaa ogsoon beer laxawsiga wasiiraddu ula socdaan.
Sidoo kale, dadweynaha caadiga ah ee ku nool gobolka saaxil ayaa kacsan, kuwaasoo kasoo horjeeda wareejinta dekedda, ee sifaha loo wareeejinayo madmadow badani hadheeyey, walow ay jiraan xogo sheegaya in shirkadda la wareegaysaa aanay wax maalgelin ah ku sameynay dekeda, Hase-yeeshee ay sanaado badan darsayaan qaabka dekeddu u shaqeyso iyo sidoo kale arrimo kale oo isticnaalka dekedda ah.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews